Hal Qarni kadib, Sheekh Aweysul Qaadiri oo wili baaqi ku ah Quluubta shacabka Soomaaliyeed. (Daawo Sawiro)
- Visits: 2041
- (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Siyaarada Sheekh Uweys Bin Axmed oo Umada Soomaaliyeed utaqaan Sheekh Uweysul qaadiri ayaa waxa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir iyadoo banaanbaxyo lagu weyneenayo siyaarada ka kala dhaceen Caalamka gaar ahaan Magaalada Muqdisho Banaanbaxa Siyaarada oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Duruuqa Suufiyah Sida Aweysiyah. Rufaaciyah, Axmadiyah, Seyliciyah iyo saalixiya.
Qur'aan aqriska siyaarada Nebi amaan iyo tawasulaad lagu amaanayo Sheekha ayaa mudo sadex maalmood ka socdeen Masjidka Sheekh Muxyidiin Sheekh Aweys Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.
Barxada Weyn ee Degmada Xamar Jajab oo ah Fariisinka Saaxibul Sijaadaha Dariiqada Qaadariyah Asayid Sheekh Axmed Sh: Aweys ayaa waxa lagu qabtay banaanbaxa Siyaarada Sheekha oo si weyn ugasoo qeyb galeen Culuma’uiinka Ahlusnnah Waljamaac iyo Dadweynaha Magaalada muqdisho oo si weyn usoo camiray.
Qaar kamid ah culuma’udiinka ahlusunah Waljamaac ayaa waxa ee soo jeediyeen wacdi qiiro iyo raxmad galiyay kasoo qeyb galayaashi, waacidiinta ayaa sidoo kale ka sheekeeyay raadki iyo halganki Sheikh Aweys ee diinta islaamka iyagoo sheegay in markhaati ka yihiin umadaha muslimiinta oo dhan qaasatan arlu Soomaali oo manta boqolkiiba boqol ah umad muslim ah .
Asayid Sheekh Aweys Dheere ayaa waxa fidinta diinta Islaamka wadamada uu gaarsiiyay ka mid ah Ruwanda, Tanzania, Zanzibar, Uganda, Malawi, Kenya, wadankeena Soomaaliya isagoo dariiqada ka soo qaaday magaalada Baqdaad ee wadanka Ciraaq.
Asayid Sheekh Aweys Dheere oo umada soomaaliyeed utaqaano (Uweys Axmed Waliyalaah) ayaa waxa lagu xasuustaa in uu xataa naftiisi ku waayay fidinta diinta Islaamka isagoo ay dilkiisi fuliyeen koox ka amar qaadatay Maxamed Cabdala Xasan oo iminka lagu tilmaamo kooxdaas faraceedi in ay yihiin kuwa faagta qabuuraha owliyada ilaahey iyo dadki suusuubanaa oo idil.
Sheekh Cabdirasaaq Maxamud Barre (Qaadimul Owliya) ayaa waxa uu sidoo kale halkaasi ku soo bandhigay taariikhda Sheekh Aweys Al Qaadiriyi isagoo sheegay in Sheekh Aweys taariikhdiisa aan lagu soo koobi karin maalin kaliya.
Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys Saaxibul Sajaada Qaadariyah ayaa sheegay in Sheekh Aweys dhimashadiisa ay ka soo wareegtay 110 sano taas oo ah hal qarni iyo toban sano taa uu cadeyneysa in Sheekh Aweys uusan ka go'in quluubta umadda Soomaaliyeed.
Gabagabadii Banaanbaxa Siyaarada ayaa waxa ijaasada Dariiqada qaadariyah halkaasi ay uga qaateen Shacabkii kasoo qeyb galay siyaarada Saaxibul Sajaada Qaadariyaha Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys Sheekh Muxidiin Sheekh Aweys Dheere isagoo ijaasada kadibna duco dheer halkaa ugu jeediyay shacbiga Soomaaliyeed isagoo alle uga baryay in culeeska fudeed ugu badalo nasri deg deg ahna siiyo dariiqada iyo inta ukaalmeeneesana gacanta kore alle ku daro aamiin.
Xafiiska Shabakada Warsheekh ee Magaalada Muqdisho
Hal Qarni kadib, Sheekh Aweysul Qaadiri oo wili baaqi ku ah Quluubta shacabka Soomaaliyeed. (Daawo Sawiro)
Siyaarada Sheekh Uweys Bin Axmed oo Umada Soomaaliyeed utaqaan Sheekh Uweysul qaadiri ayaa waxa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir iyadoo banaanbaxyo lagu weyneenayo siyaarada ka kala dhaceen Caalamka gaar ahaan Magaalada Muqdisho Ban