Qoyskii Reer Waranle, W/Q: Ibraahiim Cawil Cali Cuuke

1
Tuesday January 19, 2016 - 01:16:29 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoyskii Reer Waranle, W/Q: Ibraahiim Cawil Cali Cuuke

    Cirku Waa Jiq Oo Doc Waliba Daruur Baa Kaga Teellan, Waa Xilli Casar Gaabad Ahoo Cadceeddu Sii Dhacayso, Waa Nur (Xilli Roobaad) Oo Si Wacan Roobka Loo Sugayey, Waxaa Bilaamay Galabtaas Roob Inkastoo Tiixtiixayo Aanse Shuux Dhaafsanayn, Dhulkuna Waa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cirku Waa Jiq Oo Doc Waliba Daruur Baa Kaga Teellan, Waa Xilli Casar Gaabad Ahoo Cadceeddu Sii Dhacayso, Waa Nur (Xilli Roobaad) Oo Si Wacan Roobka Loo Sugayey, Waxaa Bilaamay Galabtaas Roob Inkastoo Tiixtiixayo Aanse Shuux Dhaafsanayn, Dhulkuna Waa Angagan Yahoo In Badan Buu Barwaaqiyo Biyo Dhawrayey, Ishuna Cagaarkay Baratay Ku Il Doogsigiisa Bay U Hilowdoo Wayba Dhawri La'dahay, Mayeeraanku In Muddo Ah Bay Abaar Ku Jireenoo Hadda Farxadoodaa Jaran,

Caruurta Yar Yari Waxay Ku Heesayaan ( Rooboow Riglow Kaalay, Riyo Dareeriyoow Kaalay) Iyagoo Gacmaha Is Haysta Kuna Waraygeysanaya Daaradaha Guryahooda, Meeshu Waa Magaaloo Dumarkuna Alaabta Banaanka Taalla Bay Aruurinayaan Si Aysan U Qoyin, Ragguna Magaaladay Ka Soo Xaroodeen Maadaama Uu Roob Curtay Si Aysan Habeenimada Dhiiriga Ugu Dhaaban,

Dusha eeg bal fooraha

 

Cadceed iyo daruuraha

Dhibicdiyo darrooraha

Darandoorri tiixaha

Onkodkiyo dillaamaha

Danabkiyo mar guuxaha

Dayax iyo bidhaamaha

Inta duun ku meeraha

Xidig iyo dagaaraha

Ma ku daashay faayaha?
- Hal-Abuur Yaxye Yeebaash.

 

Qoyska Reer Waranle Waxaa Horay Ugu Qorshaysanayd In Ay Ka Baqoolaan Rugta Ay Dagan Yihiin, Balse Qorshahoodii Roob Baa Kaga Soo Aaday, Uma Aaba-Yeelin Roobkaasoo Fulinta Qorshahooda Bay Ku Guda Jiraan, Is Diyaarin Iyo Is Hagaajin Baa Socota, Qoyskuna Wuxuu Ka Kooban Yahay Aabe Waranle Iyo Shan Wiil Oo Kala Ah (Geelle, Warfaa, Jamaal, Samafale Iyo Guure) Shantan Wiil Hooyadood Mar Hore Ayey Dhimatay Waranle Ayaa Hooyo Iyo Aabe U Ah, Wiilashu Mid Kasta Wax Gaar Ah Buu Xiisayn Jiray Intuu Magaalada Ku Sugnaa, Geelle Ayaa Reer Ka Ugu Waynoo Ganacsiga Ayuu Xiisayn Jiray Oo Waaba Ganacsade, Warfaa Fadhi-Ku-Dirirada Ma Dhaafo Oo Waa Nin Asaasaqay, Samafale Asagu Waa Wadaad Kitaabada Raacda, Guure Waa Suugaan-Yahan Halka Uu Jamaalna Ka Yahay Cunug Yar Oo Aan Da’diisu 15 Gaarin, Aabahood Waranle Ma Aha Nin Wanaagsan Aad Buu U Qallafsanyahay, Waxaa La Gaaray Xilligii Lagu Ballamay In Laga Safro Rugta Iyo Xaafadda Hadda La Joogo, Waxaa Da’aya Waa Roob Shuux Ah Lana Filayo Inuusan Galbeedsan Roobkaas Curtay Illaa Uu Dharjiyo Dhulka, Waranle Ayaa U Yeeray Wiilasha Una Sheegay Inay Safrayaan Kuna Yiri Ha La Isdiyaariyo Waanu Baxaynaaye, Waqti Badan Kama Soo Wareegin Waaba Wiilashii Oo Diyaar Ah, Kadib Loo Dhaqaaq Dhankaas Iyo Gaadhigii La Raaci Lahaa Shirarkiisii La Furyey Kadibna La Fuulyey, Balse Roobku Wali Waa Da’ayaa Oo Shuux-Nimadii Wali Ma Dhaafin, Cadceedduna Way Sii Dhacaysaa, Waranle Waxuu Guda-Galay Wadidda Gaariga Wiilashiina Waxay Bilaabeen Inay Sheekeystaan Kolkii Laga Caajisay Sheekada Ayaa Waranle Wuxuu Gaarigii Ka Shiday Hees Oo Heesuhu Kala Darane Mid Qaraami Ah Ayuu Ku Tuurtay, Guure Ayaa Soo Booday Oo Yiri, " Aabbe Maad Gabay Noogu Badashid Heestan Anagu Ma Rabnee” Waranle Hadalkii Guure Waa Iska Dhagatiray Kadib Samafale Ayaa Hadlay Oo Yiri, " Aabbe Heestani Waa Xaaraan Ee Quraan Ama Wacdi Inuu Daar Badalkeeda” Geellaa Kadaba Hadloo Yiri, " Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Ganacsiga Aabbe Inoo Daar” Warfaa Oo Ay Odayga Isku Jaad Ahaayeen Baa Yiri, "Waxaan Warkooda Ha Maqal Aabbe Bahashaas Inoo Daa” Waranle Dhag Jalaq Uma Siin Oo Waaba Iska Dhaga Tiray Hadaladooda Wuxuuna Iska Sii Watay Wadiddii Gaariga Ayadoo Wali Shidan Tahay Heestii Illeen Waa Aabbe Aan Wax Maqlayn Oo Qallafsane, Roobkii Da’ayey Is Badal Oo Baro-Waaweyn Buu La Soo Baxay Si Wacan Buu U Da’ayaa, Cadceeddu Kol Horay Dhacday, Iftiinka Hillaacuna Waa Sidii Laydhadh Lagu Xidhay Wadada, Codka Onkodkuna Waa Sidii Buuro Cirka Laga Soo Ridayo, Biriqduna (Wiriq) Meelna Dayanmayso Tiro Badni Intay Ka Qabto.

Mayaygoo Soo Onkoday
Mir Iyo Kii Maalin Da’a
Hadaan Mowjuud La oron
Waa Murugee Ma Ogtihiin
- Abwaan Carays Ciise Kaarshe.

Wuxuu Socdo Roobkaasiba Wuxuu Dhamaaday Habeen Barkii, Reer Waranle Kolkuu Roobku Joogsamay Ayey Dageen Si Ay U Seexdaan, Habeenkaas Waxay Ku Dhaxeen Wadada, Waabarigii Hore Bay Soo Tooseen Mise Jawigu Waakaas Is Badaloo Carradu Waa Dhiiqo Iyo Dhiiri, Dhulkuna Waa Mid Cokon Gaarigu Haddu Galo Way Adagtahay Si Looga Saaro –Qadar Alle Iyo Ku Qabsatayba Waa La Qaataaye- Socodkii Bay Dib U Bilaabeen Cabbaar Markay Socdeen Ayay Wadada Ku Arkeen Nin Socoto Ah Asii Lugaynaya Aanan Gaari Wadan Oo Lacag Farabadan Gacanta Ku Sita, Ma Wuxuusan Waranle Istaagin Baa Oo Indhaha Galka Ka Soo Saarin, Gaadhigii Wuu Istaajiyey Wuxuuna Cabbaar Ku Dhaygagay Ninkii Socotada Ahaa, Wiilashii Waxay La Yaaban-Yihiin Aabahood Oo Noqday Sidii Dhurwaa Habeenno Badan Dibjiray Maantana Arkay Xayn Ugaar Ah.

Odaygii Waranle Ahaa Waakaasoo Marna Dhoolasha Hore Ka Qoslaya Marna Gowsaha Danbe Ka Qosol Gariiraya – Illeen Raggaba Hunguri Iyo Hablo Baa Laga Raacaye- Waranle Daaqaddii Gaariga Ayuu Si Halhaleel Ah U Furay Wuxuuna U Dhaqaaqay Dhankaas Iyo Ninkii Markuu Is Dul Taagay Ayuu Ugu Dhaqaaqay Xaal Waraysi – Salaantiiba Waa Hilmaamay Lacagtaas Darteed- Isla Markiiba Wuxuu Waydiiyey Magaciisa, Wuxuu Ugu Jawaabay Ninkii, " Waxaa La Idhahaa Haatoow” Waranle Oo La Yaaban Magacaas Balse U Jeeda Lacagta Ayaa Yiri, " Walaal Ma Ku Sii Qaadnaa Anagaa Gaari Wadanee” Ninkii Socotada Ahaa Waa Yeelay, Kadib Waxay Labadoodii Usoo Dhaqaaqeen Dhankii Gaadhiga, Kolkii Ay Soo Gaareen Ayaa Wiilashii Mid Kasta Qayliyey Iyagoo Diidaya Inuu Ninkani Raaco, Ninku Wuxuu Ahaa Mid Aad U Wasakh Badan Balse Waranle Wasakhdaas Waxba Kama Galin Oo Meel Kalaa U Ifaysa!!!

Wiilashii Markii Ay Diideen Raacista Ninkani Raacayo Ayaa Waranle Ku Yiri, "Ciyaalkiinaan Iska Yabqayoow Gaariga Si Fiican U Saarnaada Ama Naga Daga, Ma Anigoo Idin Dhalaad I Amraysaan, Kii Jaqjaqda Dayn Waaya Wallee Gaarigaan Ka Tuurayaa” Dabadeed Way Iska Aamuseen Maadaama Laga Taag Roonyahay Waana Aabahoodoo Way Ixtiraamayeen, Sheekadii Bartaasay Ku Go’day Farxaddii Iyo Xiisihii Safarka Loo Hayey Wuxuu Isku Rogay Murugo Iyo Ciil Loo Qabo Ninkaan Dhusuqlaha Ah, Jawigii Macaanaa Iyo Neecowdii Roobku Ka Tagay Mar Danbe Lama Ursan, Gaarigu Wuxuu Isku Rogay Bullaacad Urkeeda Oo Kale – Waxaasina Waa Wasakhda Haatoow- Wiilashii Mid Kastaa Sankuu Haystaa Qurmuun Dartii.

Waranle Wuxuu Gaariga Wadaba Waxaa Lagaaray Goobtii Loo Socday, Gaarigii Laga Wada Dagyay Dhusuqlihii Haatoow Ahaana Waa La Socdaa Xaafadii Oo Horay Loogu Sii Diyaariyey Loo Wada Aroor, Wiilashu Hoos Bay Iskala Hadlayaan Oo Waxay Leeyihiin Dhusuqlahaani Xaafadana Manala Joogi Doonaa Waxaas Anagu Yeeli Mayno, Nasiib Darro Waranle Ayaa Soo Dhaweeyey Haatoow Oo Ugu Horayntii Lacagtuu U Dan Lahaa Kala Wareegay, Waxa Uuna Dajiyey Qolkii Ugu Waynaa Guriga, Wiilashii Ciil Iyo Caro Darteed Bay Is Googoosteen, Waranle Ayaa Isla Maalintii Amray Wiilashiisii In Ay Salaan Sharaf Kala Jiidan Oo Muddo Labo Daqiiqo Ah La Taagnaanayo Ay Siiyaan Haatoow Markasata Ay Arkaan Iyo Markasta Ay Marayaan Qolka Uu Daganyahay Hortiisa, -Af Wax Cunay Xishood- Bay Soomaaalidu Tiraahdaaye Balse Wiilashii Mid Kasta Arintaa Wuu Diiday Waxayna Ugu Jawaabeen Aabahood, "Dhusuqle Qurmoo Ba’ay Wallaan Salaan Ugu Bixin” Wiilashii Waxay Aabahood Ka Codsadeen In Uu Ka Eryo Gurigooda Ninkaas Qurmay Ee Haatoow Balse Kama Yeelin Arinkaas, - Illeen Waa Nin Lacag U Jeeda Oo Danaysanayee-.

Haatoow Waxa Uu Arkay Nimcada Iyo Barwaaqada Taalla Gurigaan Kadib Waxa Uu Ku Fakaray Sidii Uu Kula Wareegi Lahaa Gurigoo dhan, Maalinba Maalinta Ka Danbaya Waxa Uu Dajiyaa Qorshihii Uu Kula Wareegi Lahaa Guriga, Maalintii Danbe Ayuu Ka Codsaday Waranle Inuu U Ogolaado Keenitaanka 4 Wiil Uu Dhalay Iyo 5 Uu Adeer U Yahay Wuxuuna U Ballan Qaaday Lacag, -Waxayna Ahayd Qorshe Uu Horay U Dajiyey Si Uu Kula Wareego Guriga- Waranle Waa Ka Yeelay Arinkii Wiilashii Kolkay Arinkaas Maqleen Wayba Ka Quursteen Aabahood, Haatoow Waxa Uu Ku Soo Dareeriyey Daaradda Guriga Maalintii Labaad Intii Loo Ogolaaday Keenitaankooda, Jawiga Gurigu Wuxuu Isku Rogay Mid Aad U Wasakh Badan Oo Aad U Uraya, Maadaama Ay Yimaadeen Kuwo Ka Daran Haatoow Oo Kaba Qurun Badan,- Waa Su’aale Maxaa Qurunka Iyo Urka Xun Baday?-

Intii La Keenay Iyaguna Waxay Sii Keeneen In Kale Oo La Mid Ah, Gurigiina Way Ku Tarmeen, Balse Waranle Waa Dhag-Weynoo Waxaas Uma Aabe-Yeelayo Lacagtiisaa U Daran.

Haatoow Waxa Uu Dajiyey Hab Kama Danbays Ah Oo Uu Kula Wareegayo Guriga, Waxa Uu Qorsheeyey In Uu Waranle Siiyo Lacag Farabadan Si Uu Ugu Mashquulo Lacagtaas Kadibna Uu Mid Mid U Laayo Wiilasha Uu Dhalay, Maalinba Mid Kamid Ah Ayuu Dilaa Waranle Se Kama War Hayo Oo Qaad Iyo Daroogo Buu Ku Foogganyahay Lacagtan Lagu Farraqay Ayaaba Uga Dartay, Haatoow Shanti Wiil Ba Waa Dilay, Maalintii Ku Xigtay Ayuu Wuxuu Amray Mid Kamid Ah Kuwii Uu Meesha Keenay In Uu U Tago Waranle Kadibna U Sheego Inuu Guriga Iskaga Soo Baxo, Waxa Uu Ugu Daray Haddii Uu Is Dhajiyo In Looga Soo Saaro Xoog Lana Dilo, Waxay Aadeen Waranle Kadibna U Sheegeen In Uu Ka Soo Baxo Guriga Balse Waxa Uu Yiri, " Ma Gurigayga Ayaad Igu Haystaan” Waxay Ugu War Cesheen Guriga, "Guriga Hadda Adigu Ma Lihidi Iskaga Soo Bax” Kadib Waa Is Dhajiyey Bartii Ayaa Asna Lagu Toogtay Oo Wiilashiisii Meeshii Ay Mareen La Mariyey. – Samo Ha Falin Shar Kuuma Yimaadee- Bay Soomaalidu Tiraahdaa Aaway Samahii Uu U Sameeyey Iyo Wanaaggii, Aaway Naxariistii Uu U Naxariistay. Carabtuna Waxay Ku Maahmaahdaa – Aygaaga Dharji Ha Ku Cunee- Tabtaas Iyo Mid La Mid Ah Ayaa Ku Dhacday Qoyskii Reer Waranle, Waxaana Sababay Is Dhaga Tirkii Waranle.

 

Dulucda Sheekadan Ayaa Ah Haddii Uu Hogaanku Xumaado Waxaa Dhici Karta In Ay Dhibaato Soo Foodsaarto Dadkaas La Hogaaminayo, Madaxdeenna Soomaalidu Waxa Ay Soo Dhaweysteen Itoobiya Iyagoo Ku Gaaraya Danahooda Doonayana Jagada Madaxtinimo Waxaan Ku Tilmaami Karnaa Madaxdaas Waranle-laha Sheekada Ku Jira, Shacabka Soomaaliyeed Ee Iyagu Diidan Itoobiyaanka Asii Aanan Awoodd U Lahayn In Ay Iska Eryaan Cadowgaas Waxaan Ku Tilmaami Karnaa Shanta Wiil Ee Uu Waranle Aabaha U Ahaa, Maxaa Yeelay Hogaamiye-Yaashu Waa Kan Bixinaya Amarka Wadanka, Sida Ay Waalidku U Bixiyaan Amarka Xaafadda, Haddi Ay Sii Socoto Soo Dhawaynta Itoobiyaanka Dadkaygoow Waxa Inoo Danbeeyaa Waa Arintaas Aan Horay Usoo Xusay.

• Siyaasiyiintu Waa Niman Dhedig Ah Dhug Iyo Aar Laaye,
• Waa Niman Gumaystuhu Dhalooy Dhaqan Wadaagaane,
• Gidigoodba Waa Wada Dhufaan Gaalku Dhaansado’e,
• Waa "Dhurwaa” I Cunayoon Mid Kale Uga Dhawaadaaye,
• Ninka Dhaantada U Qaadayoow Dhoohanaad Tahaye !

-Hal-Abuur Nageeye Cali Khaliif.

 

·Dalka waa la kala boobayaa sida dugaagiiye

·Mid markaad dirtaabaa ka kale soo daf leeyahaye

·Nin qabiil ku doodiyo nimaan cidi dareemaynin

·Oo damiirka beelaa shacbiga diifta sii badaye

·Allahayoow adaa daa'imee degal san noo caymi

-Hal-Abuur Cawaale Deeqsi.

Nin dadkaaga haystoo,
Miis dushii ku saartoo,
Dastuur kuu samaystoo,
Indhaha kaa dugaayoo,
Ku dakhraaya baa jira,
Hadda duul fog maahee,
Deriskaaga weeyaan.

-Hal-Abuur Ladane Cabdi.

 

-Erayga Haatoow Ee Sheekada Aanu Magac Ahaanta U Soo Qaadannay Waxa Uu Ka Yimi Hatu’ Oo Afka Oromada Lagu Yiraahdo Qofka Tuugga Ah.

 

Itoobiyaan Diid (ID).

W/Q: Ibraahiim Cawil Cali Cuuke

Garowe- Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip