'NINKA QUUS JECEL, KANA QUUDEEN, KAN LA QUUSTO HA LA QEYBSADO' Maqaal....

0
Saturday May 09, 2009 - 13:10:52 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'NINKA QUUS JECEL, KANA QUUDEEN, KAN LA QUUSTO HA LA QEYBSADO' Maqaal....

    23dii Maarso sanadka 2009 waxaa ka degay Magaala Madaxda Dalka Ereteeriya ee Asmaara Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Albashiir oo horay loogu soo eedeeyey falal uu ka geestay dalkiisa; waxaana soo dhaweeye Madaxweyne Albashiir Madaxweynaha D

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

23dii Maarso sanadka 2009 waxaa ka degay Magaala Madaxda Dalka Ereteeriya ee Asmaara Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Albashiir oo horay loogu soo eedeeyey falal uu ka geestay dalkiisa; waxaana soo dhaweeye Madaxweyne Albashiir Madaxweynaha Dalka Ereteeriya Mudane Afweeki.

Maalmo yar kadib waxaa soo baxay warar sheegayo in Mudane Xasan Daahir Aweys oo kamid ahaa abuurayaashii ururka loogu magacdaray Isbaheysiga Dib-uxureynta Soomaaliya inuu ka baxsaday Ereteeriya una baxsaday Suudaan. 1gii Abril sanadka 2009 waxaa hubaal noqotay in Mudane Xasan Daahir Aweys uu ku sugan yahay Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan isla markaana ay bilowdeen wada hado udhexeeyo isaga iyo  Dowladda Federaaliga Soomaaliya . 11gii Abril sanadka 2009 waxaa daboolka laga qaaday in ay burbureen wadahadaladii udhexeeye Gaashaanle Sare Xasan Daahir Aweys iyo Dowladda Federaaliga Soomaaliya.
 
23dii Abril sanadkan waxaa si lama filaan ah uga soo degay Garoonka Dayuuradaha ee Lambar 50 Gaashaanle Sare Xasan Daahir Aweys. 24tii Abril  waxaa hadlay Mudane Xasan Mahdi oo kamid ah taageerayaasha Gaashaanle sare Xasan Daahir Aweys; wuxuuna sheegay in Gaashaanle Saraha uu ka hadlayo Barxada Degmada Wardhiigley ee Ka tirsan Magaalada Muqdisho inkastoo markii hore la filaye in uu ka hadlo Istaadiyo Muqdisho. Si kastaba ha noqoto, BBC Laanteeda Afka Soomaaliga waxey sheegtay in dadkii kasoo qeybgalay  dibadbaxaasi tiradooda lagu qiyaasay ilaa boqolaal qofood. Iyadoo hadaba sidaa ah ayuu Mudane Xasan Daahir Aweys weli soo taagan yahay. Waxaa isweydiin mudan waxa uu Mudane Xasan Daahir Aweys doonayo?
 
Shalay oo ay bishan Maajo aheyd (07-05-2009) waxaa uu Mudane Abuukar Cumar Cadaan oo ganacsade ah ka sheegay Warbaahinta Horn Afrik inuu la xiriiray Madaxweyne Soomaaliya Mudane Shariif Shiikh Axmed iyo Hogaamiyaha Mucaaradka Gaashaanle Sare Xasan Daahir Aweys; isagoo isla markaa kula taliye madaxweynaha inuu talada dalka ka dego hadey dani ku jirto.  waxaa kale uu Mudane Abuukar Cumar Cadaan sheegay inuu la xiriirayo Gaashaanle Sare Xasan Daahir. Ha yeeshee, waxaa uu Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan iloobay in Madaxweyne Shariif horay u sheegay inuu talada dalka sii haynayo ilaa iyo intuu waqtigiisa ka dhamaanayo. Marka, 'ninka quus jecel, kana quudeen, kan la quusto ha la qeybsado'.
 
W.Q. Abdulkadir  Abukar Spinato
aa_spinato@hotmail.com
London, 08-05-2009

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip