Bogaga hore ee Jaraa'idada kasoo baxa dalka Norway ayaa mar qura waxa maanta lagu soo daabacay hindiso taageero badan kadhax dhaliyay mudanayaasha baarlamaanka magaalada Trondheim ee dalka Norway.
Hindisahaani oo ahaa mid kasoo maaxatay maskaxda xildhibaanka Soomaalida ee katirsan baarlamaanka magaalada Trondheim, mudane Ismaaciil Maxamed Muxidiin oo kamid ah siyaasiyiinta soomaalida ee sida weyn uga dhax muuqda siyaasada dalka Norway.
Qorshaha cusub ee xildhibaanka Soomaalida uu soo bandhigay ayaa ahaa mid dadka soo galootiga ah ee laga tirada badana yahay ee kunool dalka Norway loogu ogolaan lahaa iney sameestaan shirkado madax banaan oo ganacsi isla markaana ee dowlada uu fududeyso arimaha la xiriiro sharciyada iyo dhaqaalaha oo ah mid si weyn caqabad ugu ah dadka soo galootiga ah kuwaasi oo in badan aan faham durugsan ka heesan sharciyada adag ee dalalka reer galbeedka gaar ahaan wadanka Norway.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in la sameeyo gudiyo ka kooban sharciyaqaano iyo xeeldheerayaal ganacsi oo Norwegian ah kuwaasi oo talooyin siiya dadka laga tirada badan yahay hasa yeeshe diyaar u ah iney maskaxdooda shiilaan isla markaana kusoo kordhiyay bulshada Norwegianka ah aragti cusub iyo karti.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad leh ku ayiday hindisaha cusub iyagoo sidoo kalena farta ku goday in qorshahaani uu yareen doono tirada dadka shaqa la’aanta ah ee kunool dalka Norway.
Xildhibaaan Ismaaciil Muxidiin Maxamed ayaa tan iyo marki uu kusoo biiray siyaasada dalka Norway waxa uu soo bandhigay qorshooyin dhowr ah oo wax loogu qabanaayo dadka laga tirada badan yahay ee kunool dalka Norway isagoo noqday astaan ee ku faanaan dadka soo galootiga ah ee kunool Norway gaar ahaan Soomaalida Norway..
Sanadki 2014-ti ayuu Xildhibaan Ismacil waxa uu qorshe lagu diirsaday uu hor dhigay baarlamaanka dalka Norway kaasi oo salka ku haayay is fahamwaaga la xiriiro dhanka dhaqanka ah ee Soomaalida kunool dalka Norway iyo hay'ada bad baadada caruurta, oo ee qoysas badan oo dadka ajnabiga ah ee ku waayeen caruurtooda, ayaa waxa uu xildhibaanka uga jawaabay arintaani in saraakiisha hay''ada ee wax badan ka darsaan dhaqanka dadka Soomalaida isla markaasna labada dhinacna loo fidiyo koorasyo lagu kobcinay waayo aragnimadooda.
Xildhibaan Ismaciil Maxamed Muxidiin oo qorshe taageero badan helay hordhigay Barlamaanka Magaalada Trondheim ee Norway.
Bogaga hore ee Jaraa'idada kasoo baxa dalka Norway ayaa mar qura waxa maanta lagu soo daabacay hindiso taageero badan kadhax dhaliyay mudanayaasha baarlamaanka magaalada Trondheim ee dalka Norway.