Golaha Baarlamaanka Federaalka ayaa kulankiisii maanta lagu kala dareeray, kaddib markii buuq iyo sawaxan uu ku dhammaaday qorsheyaal uu soo jeediyay guddoonka Golaha Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari isla markaana xildhibaanadu diideen codsi uu u jeediyay.
Fadhiga Baarlamaanka maanta oo ay soo xaadireen 146-Mudane ayaa si weyn uga carooday codsi uu Golaha u soo diray Wasiirka amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed in dib loogu dhigo imaanshihiisi Baarlamaanka.
WARARKA UGU DOORKA ROON
Kaddib Guddoonka Golaha Baarlamaanka ayaa xildhibaanada ka dalbaday in la guda howlaha kale ee horyaala lana guda galo ajandayaasha u degsan, hase yeeshee xildhibaanada qaarkood ayaa sameeyay buuq iyo sawaxan sababay in la soo gebi ahaanba kalfadhigii maanta.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku adkeystay inay hor yimaadaan Wasiirka amniga gudaha iyo Taliyaha nabadusgidda si su’aalo looga weydiiyo dhacdooyin xiriir ah oo ka dhacay Muqdisho lana xiriira howlahooda isla markaana aanay guda galeynin ajandayaalka kale ee horyaala.
Dhinaca kale Wasiirka amniga gudaha iyo Taliyaha nabad sugidda ayaa su’aalo adag laga weydiinayaa arrimo la xariira xasaanadda Xildhibaanada, tacadiyo loo geystay xildhibaanada iyo sugidda ammaanka guud ahaan dalka oo dhan.
Fadhigii Baarlamaanka ee maanta oo lagu kala dareeray iyo buuq ay kiciyeen xildhibaano (Waa maxay sababta?)
Golaha Baarlamaanka Federaalka ayaa kulankiisii maanta lagu kala dareeray, kaddib markii buuq iyo sawaxan uu ku dhammaaday qorsheyaal uu soo jeediyay guddoonka Golaha Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari isla markaana xildhibaanadu diideen codsi uu u jeedi