Ma Ogtahay Madaxweyne

0
Saturday March 05, 2016 - 00:31:14 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Ogtahay Madaxweyne

    Ma ogtahay Madaxweyne in la isweydiinayo sharciyadda ciidanka AMISOM ay ku joogaan dalka Soomaaliya keddib markii 2012kii uu ka dhacay ogolaanshihii ay ku joogeen Soomaaliya ee Soomaalidu la saxiixatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma ogtahay Madaxweyne in la isweydiinayo sharciyadda ciidanka AMISOM ay ku joogaan dalka Soomaaliya keddib markii 2012kii uu ka dhacay ogolaanshihii ay ku joogeen Soomaaliya ee Soomaalidu la saxiixatay.


Madaxweyne mala socotaa ilaa iyo hadda in Barlamaanka Soomaaliya uusan ansixin joogitaanka ciidanka AMISOM iyo ciidamada kale ee shisheeye ee taangiyadooda iyo diyaaradahooda ay ku suganyihiin saldhigyadii ciidamadii Soomaaliya iyo in ay kiro ka bixiyaan iyo in kale sida Jabuuti ay kiro uga qaadato.

Ustaadoow ma ogtahay in dambiyada ay askarta AMISOM galaan in aan lagu maxkamadeyn karin Soomaaliya, sababtuna ay tahay inuu meesha ka maqanyahay sharciyaddii lagu maxkamadeyn lahaa.

Mase ka warqabtaa Madxweyne in Guddiga Difaaca ee Barlamaanka uu xogo fara badan oo arrimaha ciidamada shisheeye oo dhan ku saabsan uu ka uruuriyay ay yaallaan kaydka Barlamaanka, taariikhduna la xusi doono cidda masuuliyaddaas dusha u ridaneysa.

Waxaa jirta in ay Qaramada Midoobay kordhisay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. Hase yeeshee, QM marnaba shaqo kuma lahayn heshiiska ay Soomaaliya ku joogaan iyo waxa ka dhasha, maxaa yeelay ma aha ciidamo QM hoos yimaada ee Afrika un hoos taga.

Madaxweyne waxaa lagaa sugayaa in arrimaha kor ku xusan aad ka bixiso jawaab ku habboon.


Xigasho: Xaqiiqatimes

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip