Xarunta Mowlaca Sheekh C/raxmaan Celi ee degmada Warsheekh ayaa dib loo furay, iyadoona ay ka soo qeyb galeen munaasabad halkaasi ka dhacday culumaa'udiin iyo dadweyne fara badan.
Sheekh C/qaadir Sheekh C/raxmaan Cumar oo ah madaxa dhismaha mowlacaasi oo ka hadlayay munaasabaddaasi ayaa u mahad celiyay dhammaanba intii ka soo qeyb gashay iyo axbaabtii ka qeyb qaadatay dhismaha mowlacaasi.
Xarunta Mowlaca Sheekh Cabdi Cumar oo ugu faca weyn dhammaanba goobaha taariikhiga ah ee ka dhisan degmada Warsheekh ayaa 1-dii bishii Janaayo 2016-ka waxaa lagu bilaabay dib u dayactir, iyadoona 1-dii bishaan Maarso la soo gabagabeeyay.
"Kharajka ku baxay dib u dayac tirka xarunta Mowlaca Sheekh Cabdi Ow Cumar waxaa iska kaashaday axbaabta Sheekha oo ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxaana rabaa inaan halkaan uga mahad celiyo" ayuu yiri Sheekh C/qaadir Sheekh C/raxmaan Cumar (Boqorka).
Sheekha ayaa sheegay in xarun diimeedkaan dib looga bilaabayo duruusta iyo fidinta diinta Islaamka ee uu horay Sheekh Cabdi Ow Cumar, halkaasi oo ay ka aflaxeen kumanaan mashaa'iq iyo culumaa'udiin caan ka ah dalka.
"Waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo jecel kheyrka inay ka qeyb qaataan dhameystirka howlo yar yar oo xarunta ka dhiman, anigoo mar kale u mahad celinaya kuwii dhaqaalahooda ku bixiyay sidii xarunta mar kale dib loogu furi lahaa" ayuu yiri Sheekh C/qaadir Sheekh C/raxmaan Cumar oo ah madaxa dhismaha mowlacaasi.
Qof kasta ee dooneysa inay gacan ka geysato horumarinta xarunta diimeedka degmada Warsheekh waxay la soo xiriiri kartaa Sheekh C/qaadir Sheekh C/raxmaan Cumar (Boqorka) ciwaanadaan hoos ku qoran:-
Telefoon: 0615522055 ama 0619522055.
Xarun diimeedka ugu weyn degmada Warsheekh oo dib loo furay + Sawirro
Xarunta Mowlaca Sheekh C/raxmaan Celi ee degmada Warsheekh ayaa dib loo furay, iyadoona ay ka soo qeyb galeen munaasabad halkaasi ka dhacday culumaa'udiin iyo dadweyne fara badan.