Waxgaradka Beesha Celi Cumar oo socdaal kumaray degaanadu beesha degto (Warbixin+Sawiro).

0
Sunday March 13, 2016 - 03:34:42 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 4100
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxgaradka Beesha Celi Cumar oo socdaal kumaray degaanadu beesha degto (Warbixin+Sawiro).

    Gudi ka kooban Culimada, Aqoonayahanada, Dhaqanka, siyaasiyiinta, Haweynka iyo dhalinyarada ayaa waxey socdaal taariikhi ah ee ku mareen dhamaan deegaanada ee beesha degta ee gobolka Shabeelada dhexe ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudi ka kooban Culimada, Aqoonayahanada, Dhaqanka, siyaasiyiinta, Haweynka iyo dhalinyarada ayaa waxey socdaal taariikhi ah ee ku mareen dhamaan deegaanada ee beesha degta ee gobolka Shabeelada dhexe ee Soomaaliya.


Waxgaradkaani oo booqashadooda ee ku aadaneed ukuur gelida xaalada bani aadamnimo iyo tan siyaasadeed ee xiligaan kunool yihiin dadka ku abtirsada beeshaan ee dega degaanada, Warsheekh, Cadale, Koogaar iyo guud ahaan dhamaan deegaanada ku teedsan wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Kaaraan, Warsheekh iyo Cadale.

Booqashada wafdiga ayaa waxa si weyn isugu howlay isla markaana abaabulkeeda iyo taladeedi lahaa suldaanka Beesha Celi Cumar, Suldaan Aweys Suldaan Maxamuud oo tan iyo inti howshaan lagu guda jira dadaal badan iyo waqti ku bixiyay sida isku xir xoogan oo udhax mari lahaa waxgaradka beesha iyo shacabka danyarta ah ee kunool deegaanada Miyiga oo xiligaan ubaahan in la dar dar geliyo dadaalada lagu hor marinaayo deegaanka.

Socdaalka Wafdiga ayaa sidoo kale waxa uu salka uu ku haayay sida ee umuujin lahaayeen awooda ee beeshani kuleedaha gobolka gaar ahaan Degmada Cadale oo ee waxgaradka ka dalbadeen in maamulka degmada laga qeybgaliyo dhalinyarada cusub ee beesha kuwaasi oo u hamuun qaba horumar iyo dadaal ku dhisan wada jir iyo iskaashi.

Socdaalka Suldaan Aweys ee magaalada Muqdisho ayaa sare uqaaday isku xirka waxgaradka Beesha iyo qurba joogta iyadoo taasina ka dhalatay booqashada taariikhiga ah ee waxgaradka ku bixiyeen deegaanada ee beesha degto iyadoo talada iyo baraarujinta arintaani looga mahad celiyay Suldaan Aweys oo isaga ahaa maskaxdi ka dambeesay dadaalkani.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip