Maxaa sababay guranka Wabiga Shabeele (Sawiro)

0
Sunday March 13, 2016 - 00:08:42 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa sababay guranka Wabiga Shabeele (Sawiro)

    Wabiga Shabelle oo mara gobolada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayaa qarka u saaran in uu guro oo biyo laga waayo, kadib markii toddobaadyadii la soo dhaafay uu wabigu bilaabay in uu biyo yareeyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wabiga Shabelle oo mara gobolada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayaa qarka u saaran in uu guro oo biyo laga waayo, kadib markii toddobaadyadii la soo dhaafay uu wabigu bilaabay in uu biyo yareeyo.


Boqolaal tuulo oo ku yaal hareeraha wabiga Shabelle oo dadka ku nool noloshooda ku tiirsanayd biyaha wabiga ayaa soo wajahday walwal iyo cabsi ay ka muujinayaan wabiga oo haatan noqday meel dadka ay ku dhex lugeyn karaan, kadib markii laga waayay biyihii looga bartay.

Beeralayda gobolada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Sh/hoose gaar ahaan beeralayda qudaarta ayaa waxaa haatan ay wajahayaan biyo yari aysan sanooyinkii la soo dhaafay arkin.

Dadka waayo araga ah ayaa u sheegay Jowhar.com in sanadkii 1984-tii uu wabiga Shabelle noqday sida uu haatan yahay, waxana xilligaas oo ay shaqeyneysay warshadii sokorta SNAI la waayay biyo ay ku shaqeyso, waxayna taasi sababtay in biyaha wabiga oo aan badneyn loo xiro warshada si ay warshada sokorta ay howlaheedii u sii socdaan.

Wabiga ayaa looga bartay in xilliyada guga iyo deyrta uu soo buux dhaafiyo iyadoo mararka qaarna uu fataho, balse xilliyada Jiilaalka ayuu noqon jirey wabiga mid biyo yareeyo balse sanadihii la soo dhaafay ayuusan gaarin heerka uu wabigu haatan gaaray.

Cabsida ugu weyn ee laga qabo ayaa ah in xoolaha ay waayaan biyo ay cabaan, hadii uu wabiga maalinba maalinta ka dambeysa uu sii guro, waxaana dadka ka digayaan abaaro iyo macluul ka dhasha biyo yarida uu sameeyay wabiga.

wabiga oo guray (1)wabiga oo guray (2)wabiga oo guray (3)wabiga oo guray (4)wabiga oo guray (5)wabiga oo guray (6)wabiga oo guray (7)wabiga oo guray (8)


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip