ILAYN MADAXTOOYADU WAA XABSI , MADAX-WAYNUHUNA WAA MAXBUUS. W.Q.Qareen Khadar Aar .‏

0
Wednesday March 23, 2016 - 02:42:00 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ILAYN MADAXTOOYADU WAA XABSI , MADAX-WAYNUHUNA WAA MAXBUUS. W.Q.Qareen Khadar Aar .‏

    Lix arimood oo ay iska shabahaan Madaxwaynaha iyo Qofka Maxbuuskii :- 1 .Qofka Maxbuuska Maxkamad ayaa Xukunta Sanado Go'an ,sida 4 -5-6 Sano iwm si Danbiyadii iyo Dunuubtii uu galay looga abaal mariyo. ma odhanayno madaxwaynahu Danbiyo iyo D

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lix arimood oo ay iska shabahaan Madaxwaynaha iyo Qofka Maxbuuskii :- 1 .Qofka Maxbuuska Maxkamad ayaa Xukunta Sanado Go'an ,sida 4 -5-6 Sano iwm si Danbiyadii iyo Dunuubtii uu galay looga abaal mariyo. ma odhanayno madaxwaynahu Danbiyo iyo Dunuub ayuu galay, lakiin waxaan uga jeedaa oo kaliya, Maxbuuska iyo Madaxwaynahu waxyabaha aan is leeyahay waa ay iska shabahaan in an soo bandhigo .


=Madaxwayne kasta oo la Doorto inta anu Xilka qaban Maxkamad ayaa dharisa ,Horteedana waxa uu ka balan qadaa in Dalka, Dadka iyo Diintaba uu Dacad u yahay .

2.Maxbuusku wakhtiga oo Xabsiga (Jeelka) ku jiro Qofkasta oo Booqanaya si aad ah ayaa loo baadha .

=Madaxwaynahana hadaad Gurigiisa ku booqato Badhitan kagu wuu xad beelayaa.

3.Maxbuuska waxaa dhacda in mararka qaar uu u baahdo in uu Suuqa Dangara oo uu leeyahay uu u tago, isaga oo ka codsanaya Mamulka Xabsiga in ay arintasi ka aqbalaan Kaxeeyana ,kadibna waxaa la raaciya Cidan gaar ah, loomana ogolaado xiliga uu Suuqa dhexmarayo in uu Qofkastaba Salaamo.

= Madaxwaynuhuna marka uu Suuqyada usoo Baxaayto waxa soo raca Raxan Cidamaaa,kuwaaso in aad Salaanto iska daaye in aad aktiisa soo marto aan kuu ogolaanayn .

4. Maxbuuska Cunta kasta oo Dibada looga keeno waa la Eegaa si aan Maxbuuska Dhibato ugasoo gaadhin ,inta badana waxaa la siiya Cunto u gaar ah oo Jeelka loogu kariyo .

=Madaxwaynuhuna ma Cuno lamana siiyo Cunto aan si gaar ah loogu karin ,hadiiba ay dhacdo wakhtiyada gaar in Madaxwaynahu Goob aan ahayn Gurigiisa in uu wax ka Cuno waxaa u diyaarsan kana Hubiyaa Cuntadaasi Rag Naftood hurayaala oo Cuntada ka Dhadhamiya .

5. Maxbuusku Dadka kuma Booqdo Guryahooda iyo goobaha ay ku Nool yihiin ,Lakiin isaga waxaa lagu soo booqda Xabsiga amma Jeelka .

= Sidoo kale Madaxwaynuhu inta badan Dadka ay Asxaabta amma Qarabada yihiin kuma booqdo Guryahooda ,lakiin isaga waxa lagu soo Booqda Madaxtooyada !!

6. Maxbuusk marka Mudada Xadhigu ka dhamaato waxa uu soo dhex galaa kana mid noqdaa Dadwaynaha .

= Madaxwaynahana marka ay Muddo Xileeda (Xabsiga Madaxtoyadu ) dhamaato ayuu Dadka soo dhex galaa oo Waagu u Baryaa .

Iyada oo Caynkaasa ayaa Waxaa wakhti badan iyo dhaqale badan lagu lumiyaa in Madaxwayne la noqdo ,waxa aad arkaysaa wakhtiyadan aynu joogno Nin marka uu doonayo in uu Madaxwayne noqdo in uu u maro dariiq kasta oo uu isleeyahay waxa aad ku gaadhaysaa Guusha Madaxwane nimada ,mararka qaar waxaba laga yabaa in ay ku kalifto in uu cid ku Dilo amma isaga lagu dilo Naftiisana qaaligana uu ku waayo.

Aduunkan aynu ku nool nahay waxa aynu ka wada warqabnaa in Ninkasta oo maanta madaxwayne doonaya in uu noqdo , hadii aad waraysato Sababta ku kalifaysa in uu Madax Noqdo ,waxa laga yabaa in uu kugu jawaabo si basiid ah,isaga oo ku odhanaya waxa aan rabaa in Dalkan iyo Dadkan aan horu-mar gaadhsiiyo.

Madaxda Afrikana waxaaba dhacda in Dal iyo Dad toona anay waxba uqaban .Qaarkoodna waxaba halis gasha iyagu Nafahooda. Ninka wadan Afrika Madaxwayne ka noqda waxaa khasab ku ah in marka u horaysaba uu Bulshada ka oodmo ,saamaystana cidgaara oo isaga iyo Bulshada usoo kala waranta ,Run iyo Beenba .

Waxaa dhacda in Madaxwaynaha iyo Dhamaan qooyskiisuba ay ku oodnadaan, Go-doona ku noqdaan Gurigaasi madaxtoyada ,waxaa kaloo dhacda oo marag-madoona in Madaxwayne kasta oo Afrika jooga marka kaliya ee uu damco in Guriga uu ku jiro Dibada uga baxo ,waxa uu kaxaystaa Cidan xoogle ,malintaasi Madaxwaynahu uu Gurigiisa kasoo baxaa Dadwaynahasi Magaladasi ku Nool waxaa soo wajahda xaalad aad u adag,,marka aad Dadka Su'aal waydiiso ee aad tidhaa maanta maxaa dhacay ilayn waatan Magaladii Kacsane sane ,waxa ay kugu Jawabayaan,MADAXWAYNIHII AYAA QASRIGA KASOO BAXAY !!

Arin taasi oo noqotay mid la isla yaqano ,waxa kaloo intaasi dheer bixitaanka Madaxwaynahu Guriga kasoo baxaa waxa ay Malintasi Suuq seejisaa Kumaan kun Dad , iyada oo Baaburtiisa sida Xawliga u socotaa ay Dadka waxyelaan,taas waxaba kasii daran Argagaxa la galinaayo shacbiga, iyada oo Waddo kasta la dhigaayo Cidan iyo Milatari ,Magaladiina ay u ee kanayso mid BANDOO AH ,Dariiq-yada qaarkoodna waxaad ku dhafaysaa ALLAW NA BADBAADI , balse Ninkaa madaxwaynaha ahi Marka uu Madaxtoyadiisii ku noqdo ayaa magaladuna Miyir-ugu horaysa ,bal muu kaba joogo maxaa soo saray !!

Qoralkaygan ugama jeedo in Madaxwayne gaar ah aan ku Calamadinayo arintan lakiin waa arin Dhamaan Afrika oo dhan u ah Astaan lagu yaqaano.Somalina ay kaba sii xaq jirto, mararka qaar waxa aan is waydiiya maxaa sababay arimahan:-

a) Ma Ninkan Madaxwaynaha ah ayaa Dadkisa Godob ka galay oo tasaa ka lifaysay in uu baqdo

b) Ma markan uu Kursiga Madaxnimada radinayo ayuu dadka u kala qaybinaya Qabiil iwm

c) Ma Dad kaa xun oo madaxwaynahooda ay Shalay jeclayeen maantana Coladinaya?

d) Ma Kibir iyo isla wayni ayay ka tahay oo waaba Astaan lagu faano Ciidanku iyo Digdigto.?

Hadaad aragto Wadamada Yurubta iyo Wadamada aduunka u waawayn sida Maraykanka iwm ma arkaysid cid muuqata oo aad isleedahay Madaxwaynaha way ilaalinayaan ,marka ay Suuqyada iyo bananada usoo baxaan ,hadii cidi baqanaysana iyaga baqan lahaa ,oo Dunida oo dhan godob ka galay ,balse madaxdooda si Farsamaysan ayaa loo ilaaliya,ee maha teenan I ARKAAY I MAQLAAY GURIGII WAAN KASOO BAXAY !!! ma cadawbuu iska ilaalinayaa mise wuu isugu baqayaa ??

Hadaba Malin Maalmaha ka mida ayaa waxa Magalo Afrika ku taala waxaa ka dhacday in Nin ka mida ragii Madaxwaynaha codka siiyay ayaa waxa uu damcay in Maanta uu soo salaamo Madaxwaynahii uu Codka siiyay , isna bartaan wakhti yarna uu lasoo Sheekaysto.

Waxa uu tagay Guriga Madaxwaynaha amma Madaxtooyada, Albaabka markii uu istagay ayaa sida cadada inoo ah waxaa kusoo Cararay Raxan ilaaladii Madaxtoyada ah, Ninkii waa la Hatigay waana Halakeeyay , riixriixna waa u dheeraa kadibna waxaa lagu yidhi Maxaad halkan kasoo doontay ee ku keenay ? kadibna waxa uu ku jawabay isaguu Argagaxsan waxaan rabaa Madaxwaynaha ,oo waxaan ahaa Dadkii Codka siiyay, waxanan rabaa in aan soo salaamo .

Waxaa loogu jawabay LAYSUMA OGOLA OO MEESHANI WAA MADAXTOYADII ,HADANAD HALKAS KA BIXINO WAANU KU XIDHI !! waa uu fajacay ,waayo si fican ulamay hadan ,intii yaarayd ee uu meesha taagna waxaa ku dhacay Laad iyo Dhirbaaxo,manuu filayna in Madaxwaynahisii uu Doortay Hadalada Noocasa iyo kuwa o dhawtoona ay kasoo gaadhayaan kadibna inta uu ka dhaqaqay ayaa waxa uu yidhi,WAAR ILAYN MADAXTOOYADU WAA XABSI , MADAXWAYNUHUNA WAA MAXBUUS.

W.Q :Qareen/ Khadar Ibrahim Aar

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip