Xasuustaydii Nabad Sugiddii (N.S.S 1976 – 1991) Q.6aad

0
Tuesday May 17, 2016 - 01:33:04 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 5116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasuustaydii Nabad Sugiddii (N.S.S 1976 – 1991) Q.6aad

    1 Janawari 1974 tii laba gu' ka hor intaan la igu biirin Xoogaggii Nabad ilaalinta N,S,S waxaan Xabsiga u taxaabnay 2 Askari oo Ameerikaan ah iyo Qof u dhashay Boqortooyada Ingriiska , waxaan qabanay ayagoo saaran Gaari-Dameer , waxay ku socdeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1 Janawari 1974 tii laba gu' ka hor intaan la igu biirin Xoogaggii Nabad ilaalinta N,S,S waxaan Xabsiga u taxaabnay 2 Askari oo Ameerikaan ah iyo Qof u dhashay Boqortooyada Ingriiska , waxaan qabanay ayagoo saaran Gaari-Dameer , waxay ku socdeen siday sheegeen Xeebta, labada Askari mid ayaa feera qaawanaa , waxay soo fuudeen kana soo dhargeen khamri, hab dhaqankooda wuxuu ka caraysiiyay shacab iyo shaqaalaba , ilinka hore ee Madaxtooyada markay marayaan ayaan qabanay waxaana u taxaabnay Xabsi ku yaallay K4 , halkaas oo ay habaynkii ku baryeen .

Fiidkii ayaa waxaa yimid danjirahii Maraykan u joogay xamar oo waday Busta yaal iyo baad ay cunaan , Taliyihii Xabsiga ayaan ku xansaday faranjiga ha ka saraysiin muwaadiniinta ku xiran xabsiga , waxaan kusoo noqday xaruntii la iga xukumay , waxaan markiiba diyaariyay warbixin kooban oon kaga waramay siday wax u dheceen iyo sababta aan u qabanay dadka shisheeyaha ah , waxaan ku xusay qoraalkaas gaaban ‘’ dhaqamada noocaan ah haddii aysan ciidamada qalabka sidaa si dhaqso ah ula tacaalin waxay saamayn ku yeelan kartaa dhalin yarada una qaadan kara inay tahay ilbaxnimo ‘’ .

7 dii Janawari , Cali C/Qaadir Faarax oo ka mid ahaa qorayaashii Raadiyow Muqdisho ayaa wuxuu faallo aad u kulul ka siidaayay Raadiyaha, wuxuu kaga sheekeeyay diriraha ay Maraykanku ka huriyeen walina ka hurinayaan dunida , siday Kuuriya u kala jareen , Kaanboodiya iyo Fiitnaam na ugu guul daraysteen . Lubnaan sida ay uga jeexeen Suuriya isla markaana ay ugu dhiibteen qaar kaba qaad u ah Maraykan, Jamhuuriyadda Domnikan ay u xoogeen xukunkeeda.

Cali wuxuu dhagaystayaasha taabsiiyay xaqiiqada nolosha Maraykanka oo ah meel uu qof waliba haysto ama haysan karo Qoryaha Boobayaasha ah , inay tahay meel ay ka jirto nolol hal fursad leh , meel ay noloshu qiime ka lahayn oo qofkii mid kale u carooda uu rasaas oodda kaga qaadayo , Dawladda Maraykanna ay joogto meel walba oo colaad ka aloosan tahay ama la doonayo in laga huriyo , Madawga iyo sida loo takooro , siday xabsiyada uga buuxaan qofkii u hadlana la aamusiyo abid , sida dilalkii Malkolom X iyo Marin King Luther , wuxuu ku iba xiray ‘’ Suura gal ma ahan in la arko Carab Awood leh intay Israa’iil haysato Qudus !!

16 kii Janawari ayaa waxaa la iiga yeeray Taliska NSS ta waxaana la ii sheegay inuu talisku goostay inuu tacliinta nabad suggidda la iigu diro Dalkii Midawga Soofiyeet , kuna diyaar garoobo 7 casho arinkuna uu yahay sir , wixii xamar iga yiilay oo aanan badnayn ayaan isku duwday waxaana u diyaar garoobay dhoof markii 1aad noloshayda aan ka boxo dhulka aan u dhaartay inaan nafta u huro, 23 kii Janawari anigoo ka dhoofaya Dhabaha Handheegada Xamar ayuu Sarkaal sare oo ka mid ahaa aqalka Madaxtooyada dhagta iigu sheegay ‘’ Madaxda Qaranka ayaa kuu doortay inaad aqoon dheeraad ah soo qaadato uguna shaqayso Qaranka Soomaaliyeed ‘’ .
nss
Rag badan oo dunida Carabta iyo Afrika ka yimid ayaan isku dufcan noqonay labada sano ee soo socota waxaa nalagu shubi doonaa hanaanka sirdoonka ee KGB ay u shaqayso iyo sidaan aragtiyahaas u adeeg san lahayn , KGB du way ka duwanayd CIA da iyo laamaha kale ee Sirta dunida ugu waawayn , waxaa xoogga la saaraa xirfadda halka Maraykan iyo dunida Hanti-goosad ka ah xoogga loo saaro in saraakiisha lagu shubo dhaqan iyo aragtiyo ka duwan kan dalkiisa , isla markaana waxay hubiyaan inuu noqdo il wareed ay ku dhex siidaysteen hanaan dawladeed oo dan gooni ah laga leeyahay . Halka KGB du xoogga saarto xirfadda askarinimo waxaa soo raaca saboolka in mar walba lala jiro Tujaartana laga ilaaliyo inaysan shacabka dhiiggooda Beesaysan.

2 dii sano ee aan Moosko joognay intadana ka timid dunida Carabtii Hanti Wadaagga ahayd waxay saraakiisha Ruushanku si hoose noogu sheegeen inaan gudan karno waajibaadka diiniga ah oo si xoog ah mamnuuc uga ahaa Midawga Soofiyeed hasa ahaattee ay tahay inaan nala arag oo aan ka dhuumanno indhaha dadka, Ninka haattan ah Madaxa Nabad Sugidda Aljeeriya S/Guuto Cusmaan Dardaaq oo dhawr gu’ iga waynaa markaas ayaan qol wadaag ahayn , sidaydoo kale kuma cusbayn naadiga nabad suggida, horay ayuu usoo qaatay tababaro nabad suggidda ah wuxuuna kasoo qaatay Akadeemiyada Askarta Ammaanka ee Jarmalkii Bari ,aniga waxay ii noqotay laba dugsi nin dhigta oo Cusmaan igama hagran inuu iisoo gudbiyo xirfadihii uu kala yimid Jarmalka qaybtii raac sanayd bahwayntii Hanti-Wadaagga.

Xasuustii F. Xiirane
Sarkaal (N.S.S 1976 – 1991)
fahiira@gmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip