Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Nabadoon Caan Ahaa Oo Lagu Dilay Degmada Wadajir

0
Wednesday October 05, 2016 - 20:52:07 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Nabadoon Caan Ahaa Oo Lagu Dilay Degmada Wadajir

    Waxaa galabta gilinkii dambe Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu dilay Nabadoon si weyn looga garanayay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya waxaana la sheegay in kooxda dilka geysatay ay goobta ka baxsadeyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa galabta gilinkii dambe Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu dilay Nabadoon si weyn looga garanayay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya waxaana la sheegay in kooxda dilka geysatay ay goobta ka baxsadeyn.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Alla u naxariistee Xasan Cadaan oo ka mid ahaa Ergada soo xuleysa Odayaasha Dhaqanka ee ka qeyb galaya Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay Dalka ka dhacaan.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka, waxaana dilka kadib ay ku baxsadeen Mooto-bajaaj sida dad goobjoogayaal ah ay xaqiijiyeen.

Ciidanka Amaanka iyo kuwa Maamulka Degmada Wadajir ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu u dhacay dilkan.

Ilaa hada majirto cid loo soo qabtay dilka galabta ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip