NABADEYNTA BEELIHII KU DAGAALAMAY DEGMADA CADALE EE G/SH/DHEXE OO HAKAD KU YIMID.

0
Wednesday August 09, 2017 - 14:35:50 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NABADEYNTA BEELIHII KU DAGAALAMAY DEGMADA CADALE EE G/SH/DHEXE OO HAKAD KU YIMID.

    Shirweynihii lagu nabadeynayay beelihii ku dagaalamay Degmada Cadale ayaa wali {illaa iyo hadda} sameynin wax horumar ah, waxaana shirweynahaasi soo food saarey caqabado cusub oo ka dhashay fekradaha ay kala qabaan odayaasha beelaha halkaasi lagu hes

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynihii lagu nabadeynayay beelihii ku dagaalamay Degmada Cadale ayaa wali {illaa iyo hadda} sameynin wax horumar ah, waxaana shirweynahaasi soo food saarey caqabado cusub oo ka dhashay fekradaha ay kala qabaan odayaasha beelaha halkaasi lagu heshiisiinayo.

Shir Gudoonka shirkaasi oo ka kooban Wasiirada, Xildhibaanada iyo Maamulka G/Sh/Dhexe ee Dawlad Goboleedka Hirshabele ayaa odoyaasha labadda dhinac waxay u soo bandhigeen in laga wada hadlo Qoddobo ay ka mid ahaayeen:- 1- Sababaha uu dagaalka ka dhashay?, 2- Cidda xabadda bilowday? Iyo 3-Qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi?.

Ka war-celinta su’aalahaasi ayay labbada beelood u muuqdeen inay si aad ah ugu kala qeybsanaayeen, beel walba si bay uga jawaabtey su’aalahaasi, dooda u dhaxaysay labbada dhinac ayaa laga dha-dhansan karayay inay odoyaashu kala aragti duwan yihiin.

Madaxda dhaqanka beesha Celli Cumar ee ka qeyb galaya nabadeyntaasi ayaa soo bandhigay dagaalka Degmada Cadale inuu ka bilowday dhinaca Soohdinta oo labadda beel ay ku dirirsan yihiin, waxayna cadeeyeen in colaada halkaasi ka taagan ay soo kowsatey {bilaabatey} sannadkii 1999kii illaa iyo haatana ay taagan tahay, iyagoo intaasi ku darey in dhankooda lagu soo xadgudbay kadib markii laga soo talaabay soohdintii dhuleed ee u dhaxaysay labadda dhinac.

Dhanka kale Masuuliyiinta dhinaca dhaqanka ee beesha Cabdalla Caroone ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay Jidgooyo {isbaaro} la dhigtay, waxayna tilmaameen isbaaradaasi in dhibaato badan loogu gaystay dadkooda,
iyagooo intaasi raaciyay in isbaardaasi looga qaatey lacago aad u fara badan oo aan sharci aheyn.

Kala aragti duwanaanshahaasi ayaa horseed u noqdey inuu hakad ku yimaado wadahadaladii ka socday Magalada Jowhar, kulan gaar ah oo looga hadlayay hakadkaasi ayaa xalay waxaa isugu yimid Gudigii u xil saarnaa dhex-dhexaadinta beelahaasi.

Kulankaasi oo uu shir gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali C/laahi Xuseen {Cali Gudlaawe} ayaa si aad ah looga hadlay qaabkii xal looga gaari lahaa is marin waaga soo food saaray hanaan socodkii shirweynhaasi.

Wada hadalo dheer kadib ayaa la isla meel dhigay in waan-waanta socoto lagu soo biiriyo odoyaal dhaqan oo ka kala socda labbada dhinac ee la nabadeynaayo, go’aankaasi ayaa loo jeediyay beelaha la heshiisiinayo waxayna si wadajir ah u aqbaleen in shirkaasi lagu soo kordhiyo xubno matalaya odoyaasha dhaqanka beesha Muddulood si ay gacan uga gaystaan heshiisiinta walaalahaasi ku diriray Degmada Cadale.

Rajo badan ayay muujinayaan Gudiga dhex-dhexaadinta oo ku saabsan in xal lagu gaari doono gogosha nabadeed ee taalo Magaalada Jowhar, taasi oo lagu heshiisiinayo waallaalihii ku diriray Tuulooyin hoos taga Degmada Cadale ee G/Sh/Dhexe.


W/Q. Wariye Shiiqaalow Xasan

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip