Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Booqday Xabsiga Weyn Ee Magalada Livingstone

0
Friday May 20, 2016 - 09:38:08 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Booqday Xabsiga Weyn Ee Magalada Livingstone

    Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa magaalada Livinstone ee dalka Zambia uga qeyb galay shirka Talisyada Ciidamada Asluubta Africa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa magaalada Livinstone ee dalka Zambia uga qeyb galay shirka Talisyada Ciidamada Asluubta Africa.

Taliyaha intuu halkaas joogay wuxuu Kulamo la qaatay Taliyayashi ka soo qeyb galay oo ay ka mid aheyn taliyaha ciidanka Asluubta ee dalka Sudan iyo taliye ku xigeenka Asluubta wadanka Koofur Sudan waxa ayna ka wada hadleen sidii ay talisyadaasi u yeelan lahaayeen iskaashi.

Taliyaha wuxuu booqday Xabsiga weyn ee Magalada Livingstone ee dalka Zambia, isagoo u kuurgalay xaaladda maxaabiista xabsigaasi, Nasiib Wanaag kuma aysan jirin maxaabis Soomaali ah.

Basiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa shirka ku soo bandhigay Qorshihiisa horumarineed ee dhismooyinka iyo isbedelada dhawaanahan uu ku sameynayay Xabsiyada dalka, wuxuuna xusay in wax badan is bedel lagu sameeyay nolosha maxaabista.

Taliyaha inta uusan safarkiisa soo gabo gaboobin wuxuu kulamo gaar gaar ah la leeyahay Saraakisha iyo Madaxda Ka soo qeyb gashay shirkaaas.

Dhowaanahan Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa waxa uu waday howlo shaqo oo uu ku soo marayay xabsiyada qaar ee ku yaalla dalalka Africa.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip