Munaasabada Xuska 1-da Luulyo Oo Xalay Lagu Qabtay Muqdisho + Sawirro

0
Friday July 01, 2016 - 15:10:36 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabada Xuska 1-da Luulyo Oo Xalay Lagu Qabtay Muqdisho + Sawirro

    Magaalada Muqdisho ayaa xalay looga dabaal dagay xuska Sanadguurada 56-aad ee ka soo wareegay markii gobolada Koonfur 01 July 1960-Kii, ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, Islamarkaana ku asteysan Israacii Labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho ayaa xalay looga dabaal dagay xuska Sanadguurada 56-aad ee ka soo wareegay markii gobolada Koonfur 01 July 1960-Kii, ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, Islamarkaana ku asteysan Israacii Labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Munaasibadda oo ka dhacday Aqalka dowladda Hoose ee Xamar, ayaa waxaa ka qeyb galay, Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, xubno ka tirsan Labada Gole ee dowladda, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, Gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo ururada Bulshada.

Munaasibadda waxaa Qudbado ku saabsan taariikhda iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray Xorriyadda Soomaaliya waxaa ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Ku Xigeenka Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Warfaafinta iyo Duqa Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed inay gacmaha isqabsadaan, islamarkaana aysan hilmaamin dhibkii loo soo maray xornimada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlaayay magaca guddiga qaban qaabada xuska 1-da luulyo ayaa sheegay inay ku guuleysteen in gobolada dalka iyo caasimada si isku mid ah ay uga dhacaan munaasabadaha xoriyadda.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay midnimada leedahay iyo sida loogu baahan yahay in Soomaalida oo dhan ay uga wada shaqeeyaan mudnimada Ummadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan xuska 1-da Luulyo u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip