Madaxweynaha Soomaaliya Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho

0
Tuesday July 19, 2016 - 12:09:48 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika oo 17—18 July, ka socday magaalada Kigali ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika oo 17—18 July, ka socday magaalada Kigali ee dalka Jamhuuriyadda Rwanda.

Shir Madaxeedka ayaa intaanu soo xirmin waxaa uu isku raacay in dib loo dhigo doorashada hoggaanka cusub ee Guddiga Sare ee Midowga Afrika.

Madaxda Afrika ayaa isku afgartey in doorashada ay bisha January ka dhacdo magaalada Addis Ababa.

Ajendaha kale ee doorashada looga hadley waxaa ka mid ah miisaaniyadda Midowga Afrika, xasaradda dalka Jamhuuriyadda Suudaan iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay magaalada Kigali waxaa uu kula kulmey hoggaamiyeyaasha dalalka Suudaan, Masar, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole.





-----------------DHAMMAAD-----------------------
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip