Ciidamada Dowlada Oo La Wareegay Degaano Ka Tirsan Gobolka Baay
Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya in ay la wareegeen deegaano ay horey ugu sugnaayeen Ururka Al Shabaab.

Ciidanka dowlada oo gacan malatari ka helaya kuwa Itoobiya ayaa la wareegay deegaanka Goorisane oo ka tirsan Gobolka Baay.
Gaashaanle Dhexe C/raxmaan Macalin Axmed oo ah Sarkaalkii hogaaminaayay howlgalka ciidamada ay ku qabsadeen deegaanka Goorisane oo ka tirsan Gobolka Baay, ayaa sheegay inay baxsaden Shabaabkii deegaanka joogay
Deegaanka Goorisane, ayaa la sheegay inay ay Al Shabaab u aheyd Saldhig ay ka soo abaabulaan dagaalada ay ku qaadaan Magaalada Baydhabo, balse ciidamada Dowladda ayaa qabsaday.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili shalay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya uu sheegay in ay ciidamo geyn doonaan goobaha Al Shabaab ay kasoo abaabulaan weerada lagu soo qaado Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.