Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Weerarkii Caawa Lagu Qaaday Maqaayada Banaadir Beach

0
Thursday August 25, 2016 - 23:12:40 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Weerarkii Caawa Lagu Qaaday Maqaayada Banaadir Beach

    Dableey Hubeysan ayaa weerar ku qaaday Maqaayadda Banaadir Beach oo ku taalla xeebta Liido , waxaana la sheegaya in weerar ka hor uu Qarax ka dhacay afaafta Hore ee Maqaayadda Banaadir Beach ee xeebta Liido.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dableey Hubeysan ayaa weerar ku qaaday Maqaayadda Banaadir Beach oo ku taalla xeebta Liido , waxaana la sheegaya in weerar ka hor uu Qarax ka dhacay afaafta Hore ee Maqaayadda Banaadir Beach ee xeebta Liido.

Maqayaadda ay weerarka ku qaadeen kooxaha hubeysan ayaa la sheegaya in ay joogeen dad aad u farabadan oo goobta ku nasanaayay sida ay sheegeen dad ku goobjoogayaal ah.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray waxaan ay hareereeyeen goobtii weerarka lagu qaaday.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlaya gudaha Maqaayadda Banaadir Beach, waxaana la sheegaya in dableeyda gudaha u gashay Maqaayadda ay heystaan dad aad u farabadan.

Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka lagu qaaday Maqaayadda Banaadir Beach lama oga , laakiin Meydka Labo Haweyn ah ayaa haatan waxaa lagu arkay banaanka hore ee Banaadir Beach.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in weerar toos ah uu ka socdo Gudaha Maqaayadda Banaadir Beach oo ku taalla degmada Cabdicasiis gaar ahaan Xeebto Liido.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip