Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada Shabaab iyo kuwa Dowladda uu halkaasi ka dhacay.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay ku dhaqaaqeen deegaan 10-KM u jirta Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, deegaankaasi oo lagu magacaabo Suriya.
Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku soo qaadeen Deegaankaasi oo ciidamada Dowladda ay ku sugnaayeen, islamarkaana ay ka wadeen howlgal.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa xaqiijiyay hal Askari inuu kaga dhintay weerarkaasi, sidoo kalena ay kaga dhaawacmeen labo Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda.
Deegaanka Suriya ayaa wuxuu Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo kaga beegan yahay Dhanka Waqooyi, wuxuuna u jiraa 10-KM waxaana hada deegaankaasi ku sugan Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab.
Ciidamadii Dowladda Federalka Soomaaliya ee deegaankaasi howlgalka ka waday ayaa dib ugu soo laabtay Degmada Buurdhuubo, iyaga oo wata meydka Askariga dhintay iyo dhaawaca labada kale.
Ilaa hada ma cadda Khasaaraha Shabaabka ka soo gaaray dagaalkaasi ka dhacay deegaanka Suriya ee Duleedka Degmada Buurdhuubo.
Dagaal Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Buurdhuubo Ee Gobolka Gedo
Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada Shabaab iyo kuwa Dowladda uu halkaasi ka dhacay.