R.Wasaaraha Oo Tacsi U Direy Ehellada Dadkii Ku Dhintay Qaraxii Shalay

0
Wednesday August 31, 2016 - 14:15:14 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R.Wasaaraha Oo Tacsi U Direy Ehellada Dadkii Ku Dhintay Qaraxii Shalay

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii shalay ka dhacay meel u dhow albabaabka hore ee madaxtooyada iyo Hotel ka SYL oo ay ku dhinteen dad isugu jira Shacab iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii shalay ka dhacay meel u dhow albabaabka hore ee madaxtooyada iyo Hotel ka SYL oo ay ku dhinteen dad isugu jira Shacab iyo Ciidamo ka tirsan Dawladda kuna dhawacmeen tiro kale.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ugu horeyn Cambaareyn u soo jeediyay Kooxihii ka dambeeyay weerarkaas isagoona sheegay in arrintaas ayan la yaab ku ahayn kuwii hore falkaas u samayn jirayna ay ka danbeeyeen Weerarkaas.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tacsi u direy qoyskii iyo ehelkii ay ka geeriyoodeen askartii iyo shacabkii naftooda ku waayay ee halkaa ku dhintay isagoona Ilaah uga baryay kuwa ku dhaawacmayna inuu Caafimaad.

" Anagoo si adag uga shaqaynayna arrimaha amniga iyo xasilinta , si loo helo mustaqbal wanaagsan, ayaa Argagixiso taas badalkeeda ku howlan yihiin sidii ay u qaadi lahaayeen weeraro fulaynimo ah oo ay waxyeelo ugu gaysanayaaan dadka shacabka ah” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar oo intaas ku daray in kooxda Al shabaab ay maleegayaan sidii ay u fulin lahaayeen awaamiir laga soo minguuriyey dalka dibeddiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey Ciidamadda Amniga oo is hortaag ku sameeyey, kana hor tagay in cadowgu si fudud ku soo gaaro bartilmaameedkooda.

"Weerarkii shalay iyo kuwii ka horeeyey ee cadowgu ka sameeyey dalka waxay ahaayeen falal fuleynimo ah oo ay sameyeen kuwa isku qarinaya tafsiir khaldan oo ay ka bixinayaan Diinta Islaamka. 

Waxaan u sheegaynaa kooxaha nabad-diidka ah in ciidanka qaranka mar walba iyo meel walba uu diyaar ugu yahay sidii uu damaciinna gurracan u horistaagilahaa”.



---DHAMMAAD----

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip