Madaxweynaha dalka Sudan Omar Hassan Al-Bashiir ayaa la sheegay in uu ka baaqsaday safar lagu waday in uu ku yimaado magaalada Muqdisho si uu uga qayb galo shirka Urur goboleedka IGAD oo lafilayo in uu ka furmo Muqdisho usbuucaan gudihiisa,
Waxaana la tilmaamay in ay ka dambayso arrintaan cabsi laxiriirta in la xiro hadii uu yimaado Magaalada Muqdisho si uu shirkaas uga qayb galo maadaama ay doodonayso Maxkamada dambiyada Caalamiga ee Heeg.
Kulankaan ayaa waxaa lagu wada in ay ka qayb galaan madaxweynayaal ay ka midyihiin Madaxweynaha dalka Rwandan Paul Kegame, Kenyan Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha dalka Djibouti Ismail Guelleh, kaasi oo ladoonayo in looga wada xaajoodoo arrimo ay ka midyihiin ammaanka iyo sidoo kale arrimo kale oo ku saabsan qaarada afrika.
Sargaal sare oo sudaaniis ah islamarkaana diiday in magaciisa la adeegsado ayaa sheegay in Mr Bashiir maadaama ay raadinayso maxkamada ICC islamarkaana ay suurto galtahay in la xiro markii uu muqdisho yimaado uu sidaas uga baaqsaday imaatinkiisa Soomaaliya,sargaalkaan ayaa intaas ku daray in uu kulankaas ka qayb gelidoono Madaxweyne ku xigeenka dawlada Sudaan.
Madaxweynaha Dalka Suudaan Oo Ka Baaqday Safar Uu Ku Imaan Lahaa Muqdisho