Maamulka Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa shaaciyey inaysan maanta wax Duullimaadyadda Diyaaradaha Rakaabka (kuwa Caalamiga iyo kuwa Goballadda) ku soo degi karin, kana hinqan doonin Garoonka sababo lagu xoojinayo Ammaanka.
Diyaaradaha Khaaska ah oo ay la socdaan Madaxda Dowladaha ku jira Urur-gobaleedka IGAD oo keliya ayaa loo oggol yahay inay ka soo degaan Garoonkaasi, si ay uga qeyb galaan Shiweynahooda 35-aad oo la filayo inay maanta ay ku yeeshaan Hotel aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha.
Inkastoo uu Garoonka maanta mashquul ahayn, haddana waxaa Garoonka ku sugan Madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si ay u soo dhaweeyaan Madaxda IGAD.
Bilicda Garoonka ayaa lagu indho dararayaa, waaana lagu fidiyey Roogga Casaanka si loogu soo dhaweeyo Madaxda IGAD.
Sidoo kale, Garoonka waxaa lagu xardhay Calamadda Dowladaha ka qeyb galayo Shirka IGAD, waxaana aad loo adkeeyey Ammaanka Garoonka Aadan Cadde, waxaana isku gedaamay Ciiddamadda AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka.
Dhinaca kale, Ammaanka Guud ee Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyey si aan horey loo arkin, waxaana aad loo koobay Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka iyo Dadka ee Waddada Dheer ee Maka Al-mukaraa ee isku xerta Garoonka Aadan Cadde ilaa Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Oo Maanta Wax Duulimaad Ah Aan Laheen