Sida uu qorshuhu yahay maanta oo Talaado ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 13-ka Bisha September ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay markii ugu horeysay marti geliso shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD.
Shirkan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya xilli hore ay iclaamisay islamarkaana Diyaar garow badan oo ku aadan qabsoomida shirkan uu ka jiray Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys oo la hadlay VOA ayaa sheegay shirkan in uu ka dhacayo Magaalada Muqdisho, islamarkaana Soomaaliya ay guul weyn u tahay qabsoomida shirkan.
Waxa uu sheegay arimaha looga hadlayo shirkan in ay qeyb ka tahay arinta South Sudan iyo sidoo kale arimaha Doorashooyinka Soomaaliya oo Madaxda iGAD ay isla lafa guri doonaan.
Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo maanta ay tahay maalintii labaad ee Ciidul Adxaa shacabkana ay u dabaal degayaan Farxada Munaasabada Ciidul Adxaa.
Dhageyso:-Shir Madaxeedka IGAD Oo Maanta Magaalada Muqdisho Ka Furmaya