Wasiirka Arimaha Guddaha Oo Maanta Gaaray Magaalada Cadaado

0
Thursday September 22, 2016 - 19:19:50 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Guddaha Oo Maanta Gaaray Magaalada Cadaado

    Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta gaaray Magaalada cadaado ee Caasimada kmg-ga ah ee Maamulka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta gaaray Magaalada cadaado ee Caasimada kmg-ga ah ee Maamulka Galmudug.

Wafdigan oo sidoo kale qayb ka ahaayeen wasiiru dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Mahad Salaad iyo mas’uuliyiin kale ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Caddado waxaa ku soo dhoweeyay Madax ka tirsan dawlad goboleedka Galmudug, maamulka degmada iyo qaybaha kale duwan ee bulshada.

Ugu horeyntii Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in ujeedka ay u gaareen Magaalada Cadaado ay tahay sidii loo dardargalin lahaa arrimaha Doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Wasiir Odawaa, ayaa hadalkiiisa ku daray in maalmaha soo socda wafdiga uu joogi doono magaalada Cadaado ee Galmudug , islamarkaana ay kulamo la qaadan doonaan Odayaasha dhaqanka si loo dardargaliyo arrimaha doorashooyinka oo dawlada Soomaaliya ay xoogga saarayso inay si hufan u dhacdo.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip