Norway oo wax kabadashay sharciga Qaadashada ruqsada Gaari wadida.

0
Sunday October 02, 2016 - 22:49:01 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Norway oo wax kabadashay sharciga Qaadashada ruqsada Gaari wadida.

    Laga bilaabo kowda bisha oktober ee sanadkan 2016,waxaa dhaqangalayo xeerar iyo sharciyo cusub oo ku saabsan leysinka wadida baabuurta. Xeerarkancusub ayaa isbadal weyn ku sameyn doono shuruudahacaafimaadka qofka looga baahanyahay inuu buuxiyo, si uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laga bilaabo kowda bisha oktober ee sanadkan 2016,waxaa dhaqangalayo xeerar iyo sharciyo cusub oo ku saabsan leysinka wadida baabuurta. Xeerarkancusub ayaa isbadal weyn ku sameyn doono shuruudahacaafimaadka qofka looga baahanyahay inuu buuxiyo, si uu u helo leysinka baabuur wadida. Xeerkan cusub ayaa wuxuu waafaqsanyahay xeerka guud ee baabuur wadista wadamada EU-da.

Dhaqtarkaaga garka ( Fastlege):Waxaa muuqato in dhakhtarka gaarka ah ee qofku uu door weyn ku yeelan doono qaadashada qofka ee leysinka darawalnimada baabuurta.

-Ka hor inta ayna soo baxin sharciyadan cusub waxaa qofka raba inuu qaato leysinka baabuurta uu ku qasbanaa inuu warqada cafimadka ka codsado xafiiska gudoomiyaha gobalka ( Fylkesmannen). Xeerkan cusub waxuu dadka u ogalaanaya in qofku uu warqada cafimadka ka dalban kara dhaqtarkiisa gaarka ah (fastlege).Dadka aan buxin karin sharuuhada cafimaadka ee Sharcigan cusub, waxaa laga mamnuuci kara inay ogalansho u helan qaadashada liisanka darawnimada.

F.G:Dadkii horey u haystay ogalanshaha warqada cafimad ee gudoomiyaha gobolka, ma qabanayo xeerkan cusub ilaa inta uu ka dhacayo kii ay horey u heysteen. Waana laga cusboonaysisan karaa Gobalka ila bisha 30 september ee sanadka 2019.

-Dhaqtarka gaarka ah ee qofku waxa uu baaritaan ku sameyn doonaa doona arimahan soo soda:1)Araga iyo maqalka qofka. 2)Xanuunada maskaxda iyo waliba hab dhaqanka qofka. 3)Xanuunada saameeya dhaqdhaqaaqa jirka 4)Isticmaalka dawooyinka dhaqtarka iyo isticmalka maandooriyaha ( rusmidler).Sharcigan cusub qof ee baaritaanka dhakhtarkama ahan mid qaban doono qofwalbe, laakiin waxaa baaritaan la marsiin doonaa qofkii laga shakiyo awoodiisa caafimaad ee baabuur wadadista ama hadii laga shakiyo in caafimaadka qodobada kor ku xusan uu hoos u dhac ku yimid.Sharciyada isbadalka lagu sameeyay waxaa kamid ah

Araga:Xeerkan cusub ee leysinka wadida baabuurta uma ogolaandoono inuu qofka qaato leysinka baabuurta ee groupyada 2 iyo 3, hadii labada indhood uusan midkood waxbo ka arkin.

Isticmalka daawooyinka: a) Isticmaalka daawooyinku waxa ay saameyn ku yeelan karaan awooda darawalnimo ee qofka. Sidaas darteed Waxuu sharciga cusub adkeeyay mamnuucida isticmaalka dawooyinka qaarkood xiliga baabuur wadida. tusaale ahaan Paralgin forte ( xanuunbaabi’iye),sobril (dawada degananshaha laga helo)iyoImovane( dawada hurdada ). Dhaqtarka gaarka ah ee qofka ayaad faah-faahin kala xiriiri kartaa, isaga ayaana sharaxaad dheeri ah kaa siin karo isticmaalka daawooyinka ee xiliga ee qofku baabuur wado.

b) Isticmaalka daawooyinka macaanka:Sharcigan cusub ayaa qofkii isticmaala daawooyinka macaanka ee Insulin ama daawooyinka kale ee sonkorta dajiyo, ka mamnuucayo inuu qaato leysinka darawalnimada baabuurta gaadiidka dadweynaha ee Busska.

3)Wadne xanuunka:Hadii aad qabto wadna xanuun oo aad rabtoinaad cusboonaysiisato liisanka darawalnimada nooca 2 iyo 3 waxaad xiriir la sameysaa dhakhtarkaaga gaarka ah, isaga ayaa arintaas kaa caawin karo, adigu oo aad ku wareerin xafiiska gudoomiyaha gobalka.

4)Qalalka ama miyir beelka:Sharciga cusub ayaa sheegayo in dadkii lagala noqdey liisanka darawalnimo sanadadii ugu danbaysay sababo la xiriiro qalal ama miyir dabool inay hada dib usoo codsan karaan liisankooga darawalnimo laga bilabo 1. oktober 2016, waase hadii ay xanuunkoodii noqday mid ay ka soo raystey sidii hore. Sharcigan cusub ayaa sidoo kale sheegayo in qofku uu la xiriiri karodhaqtarkiisa gaarka ah si aad uga heshid warqad cadeyn ah oo caafimaadkaaga ku saabsan ama booliska deegaanka aad tahay.

Xigasho/kilde: TV2.NO


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip