Ururka Al Shabaab Oo Xalay Weerar Culus Ku Qaaday Magaalada Mandheera

0
Thursday October 06, 2016 - 09:16:17 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Al Shabaab Oo Xalay Weerar Culus Ku Qaaday Magaalada Mandheera

    Kooxo hubeysan ayaa xaley weerar ku qaaday Magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee Dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan ayaa xaley weerar ku qaaday Magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee Dalka Kenya.

Koox ku hubeysneyd qoryaha fudud iyo banbaanooyin ayaa waxa ay weerar la beegsadeen goob ay ku sugnaayeen dad aan u dhalan magaalda mandheera.

Dadka weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay dhismo ay ku sugnaayeen in markii hore bambaano lagu dhuftay markii irida si xoog ah lagu soo jibiyay ay rag hubeysan ay toogteen lix qof oo kamid aha dadki ku sugnaa goob lagu bixiyo adeegyada dadweynaha islamarkaana lagu magacaabo Bulla public works.

Gudoomiyaha Gobolka Mandheera Frederick Shisia ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la dilay aysan aheyn soomaalida kunool mandheera balse ay yihiin dadka kale ee kenyaan ah islamarkaana ka shaqeynayay Magaalada.

Gudoomiyaha Gobolka mandheera ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in ciidanka ay wadaan baaritaan ku aadan qaabka falkaan uu u dhacay islamarkaana ay baarayaan dhismaha la weeraray in ay uga tageen Al Shabaab waxyaabaha qarxa.

Weerarkaan oo dhacay 2:30 ama sideed saac iyo bar habeenimo , waxana saraakiisha ciidamada amaanka Kenya ay sheegen in la soo bad baadiyay dad badan oo goobta ku go’doonsana.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip