Shariif Shiikh Axmed oo la kulmay danjiraha Maraykanka Stephen Schwartz (Sawiro)

0
Saturday October 08, 2016 - 01:45:18 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Shiikh Axmed oo la kulmay danjiraha Maraykanka Stephen Schwartz (Sawiro)

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna murashax u taagan xilka madaxweynaha dalka Shariif Shiikh Axmed ayaa la kulmay danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Stephen Schwartz.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna murashax u taagan xilka madaxweynaha dalka Shariif Shiikh Axmed ayaa la kulmay danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Stephen Schwartz.


Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa la iskula soo qaaday xaaladda dalka iyo doorashooyinka dhawaan ka dhacaya Soomaaliya, waxaana danjire Stephen Schwartz uu uga mahadceliyay Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed booqashada uu ka aqbalay isaga oo ku dheeraaday doorka dowladda Maraykanka ay ku leedahay taakuleynta Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday doorashada dhawaan ka dhacaysa dalka, iyo muhiimadda ay leedahay in doorashadu ay ku qabsoonto xilligii loogu tala galay, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara dib u dhac ku yimaada xilliga loo qorsheeyay.

Danjire Schwartz ayaa u xaqiijiyay Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed sida dowladda Maraykanka ay ugu hanweyn tahay Soomaaliya oo nabdoon, lehna hay’ado dowli ah oo awoodi kara sugidda amniga, bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada, kana gudubta musuqmaasuqa iyo xasiloonidarida siyaasadeed.

Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed ayaa danjire Stephen Schwartz oo dhawaan xilkaas loo magacaabay ugu hambalyeeyey, isaga oo intaasna ku daray in dowladda Maraykanka ay door muhiim ah ka qaadatay kaalmaynta shacabka Soomaaliyeed iyo in lala dagaalo kooxaha ka soo horjeeda Nidaamka Dowladnimo..

Shariif Sh. Axmed Waxa uu u xaqiijiyay mas’uuliyiintii ka socdey dowladda maraykanka haddii loo doorto xilka madaxweynaha dalka inuu la imaan doono siyaasad furfuran, dib u heshiisiin dhab ah, ka hortagga musuqmaasuqa, helitaanka adeegga guud ee bulshada, dhamaystirka, ansixinta dastuurka dalka iyo sidii uu dalka u gaarsiin lahaa qof iyo cod sanadka 2020.

Ugu dambeyntii labada dhinac ayaa isla soo qaaday xaaladaha amniga iyo khilaafaadka ka jira qaybo ka mid ah dalka iyo sida loogu baahan yahay inuu dalka uga dhaco isbedel dhab ah oo la taaban karo.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip