Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo Oo Maanta Xabsiga Loo Taxaabay

0
Saturday October 08, 2016 - 14:23:25 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo Oo Maanta Xabsiga Loo Taxaabay

    Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo, Ibraahim Maxamed Yuusuf (Timajilic) iyo afar ka mid ah ilaaladiisa ayaa la sheegayaa iney xabsiga dhigeen ciidamada maamulka Juballand.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo, Ibraahim Maxamed Yuusuf (Timajilic) iyo afar ka mid ah ilaaladiisa ayaa la sheegayaa iney xabsiga dhigeen ciidamada maamulka Juballand.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay u dhaceen hoyga gudoomiyaha ayna sidoo kale soo qabteen laba nin oo la sheegay iney ahaayeen qurbajoog Gudoomiyaha marti u aheyd.

Maamulka Juballand kama hadlin sababta keentay xariga gudoomiyaha balse wararka qaar ayaa sheegaya in lagu eedeynayo inuu taageeray mid ka mid ah labo ciidan oo Habeen hore ku dagaalamay Magaalada Kismaayo.

Xarigan ayaa daba socda dagaal Habeen hore ka dhacay Magaalada Kismaayo kaasoo dhexmaray ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida Maamulka Juballand.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip