Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa maanta Tababar ugu soo xirey Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug Cutubyo ka Tirsan Ciidamo Booliska Galmudug.
Ciidankaan cusub oo ka tirsan Booliska Maamul Goboleedka Galmudug, ayaa waxaa ay gaarayaan tiradooda ilaa 400 oo Askari, kuwaasi oo muddo tababar qaadanaayay duleedka Magaalada Cadaado ee Caasimada ee Maamulka Galmudug.
Madaxweyne Guuleed ayaa salaan sharaf ka qaatay in kabadan 800 Askari oo isugu jira, 400 oo ah askarta maanta tababarka dhameysatay, iyo 400 horey u qaatay tababar, saraakiisha qaar ayaa la gudoonsiiyey bilado kala duwan, waxaana ciidamadan oo ay wehliyaan kooxda bambeyda dhoola tus ku sameeyeen wadooyinka Magaalada Cadaado.
Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Ciidamada Booliska Tababarka loosoo Xirey kula dar-daarmay In kasoo kasoo baxaan waajibaadka loo ikmaday, islamarkaana si wanaagsan ugu adeegaan Bulshada Galmudug.
Ciidamo Ka Tirsan Dowlada Galmudug Oo Maanta Tababar Loogu Soo Xiray Cadaado
Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa maanta Tababar ugu soo xirey Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug Cutubyo ka Tirsan Ciidamo Booli