Wariyaal Ka Tirsan Tv-ga Aljazeera Oo Magaalada Muqdisho Lagu Xiray

0
Wednesday October 19, 2016 - 13:41:51 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyaal Ka Tirsan Tv-ga Aljazeera Oo Magaalada Muqdisho Lagu Xiray

    Ciidanka Hay'adda Nabad sugida Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay wariyeyaal ka tirsan TV-ga Al-Jazeera ee laga leeyahay dalka Qadar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Hay'adda Nabad sugida Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay wariyeyaal ka tirsan TV-ga Al-Jazeera ee laga leeyahay dalka Qadar.

Wariye Xamza Maxamed iyo Sawir qaade la socday ayaa ciidanka Nabad sugida Soomaaliya waxa ay kasoo qabteen duleedka magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya sida uu sheegay Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Wariyeyaasha ayaa ka yimid gobolka Shabeelaha Dhexe waxaana ay kusoo jeedeen magaalada Muqdisho.

Ciidanka Nabad sugida Soomaaliya Wali faahfaahin kama bixin wariyeyaasha lagu xiray magaalada Muqdisho.

Laakiin Ururka NOSOJ ayaa xaqiijiyay xariga wariyeyaashaasi.

Warar Madax banaan oo aan heleyno ayaa sheegaya in wariyeyaasha ay ka yimaadeen maagaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe , halkaasi oo dhawaan lagu doortay Madaxweynaha iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka maamulka cusub ee Hirshabeelle.

NISA ayaa war ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku gaabsatay inay u taagan tahay sugidda ammaanka iyo ilaalinta Qaranka.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip