GALMAAX YOONIS OO GABAR GOB AH U DOORTEY XILDHIBAAN QARAN. (Qalinki Wariye Shiiqaalow)

0
Friday December 02, 2016 - 00:18:40 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GALMAAX YOONIS OO GABAR GOB AH U DOORTEY XILDHIBAAN QARAN. (Qalinki Wariye Shiiqaalow)

    Sacab, mashxarad iyo alalaas ayaa mar qura is qabsadey, is-marxabaysiin, is-gacan qaad {isa-salaamid} iyo isu-hambalyeyn ayaa bilaabatey, wey u qalantaa, wey istaahishaa iyo wey mudan tahay in MINA loo doorto Xildhibaan Qaran ayaa la isla dhex maraya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sacab, mashxarad iyo alalaas ayaa mar qura is qabsadey, is-marxabaysiin, is-gacan qaad {isa-salaamid} iyo isu-hambalyeyn ayaa bilaabatey, wey u qalantaa, wey istaahishaa iyo wey mudan tahay in MINA loo doorto Xildhibaan Qaran ayaa la isla dhex marayay, farxad iyo dabaal deg lagu soo dhaweynayo guusha la gaarey ayaa lagu dhaqaaqay, si kalgacal leh ayaa loo soo dhaweeyay guushaasi.
Shaki, mad-madow iyo cabsi midna lagama qabin inay geesiyadaasi noqonayso Xildhibaan Qaran, wey muuqatey, cidna caad kama saarneyn inay gabadhaasi guusha gacanteeda ku jirto, sadaal iyo xog ururin horey loo sameeyey ayaa lagu ogaadey musharaxada Celli Cumar inay ku soo baxayso kursiga beesha Galmaax, dadaal, juhdi iyo shaqo adag ayaa loo soo galey sidii arintaan ay u dhici laheyd.

Qalabka Warbaahinta iyo Baraha bulshada ayaa durbaba si baahsan loogu shaaciyay dhibcihii ay ku guulaysatey Xildhibanadaasi, taleefano iyo fariimo loogu hambalyeynayo ayaa si daran doori ah isaga soo daba dhacayay, fantasyo lagu soo dhaweynayao farxadaasi ayaa goobo ka mid ah Dalka gudahiisa iyo dibaddiisa laga oogay.

Jaceylka iyo kalsoonida lagu qabo darteed ayay ku heshay codad aqlabiyad leh inay kaga adkaato musharaxadii la loolamaysay, heybad, isu kalsoonaan iyo ALLE aaminid {talo saarasho} ayaa laga dheehan karayay Xildhibaanada cusub intii ay socotay doorashada, ergadii codeynta iska laheyd ayaa laga soo xigtay inay raali ka ahaayeen sida ay wax u dhaceen, guddiyadii doorashada maamulayay ayaa iyagu xitaa waxaa wajiyaddoda laga aqrisan karayay sida ay ula dhacsanayeen soo bixitaanka Xildhibaanadaasi.

Kursiga ay ku soo baxday halyeeyadaasi ayaa wuxuu ka mid ahaa kuraasta ugu xiisaha badan ee yiilay Magaalada Jowhar, waa markii ugu horeysay ee beesha Celli Cumar ay ku najaxdo inay si toos u hesho Xildhibaan Soomaaliyeed tan iyi intii ka dambaysay burburkii ka dhacay Wadanka, horey ayaa xilligii CARTE waxaa badal Xildhibaaninimo ku timid Maama Ruqiyo Cali C/lle, sharaf ayay Celli u tahay in si xaq iyo xalaal ah uu ku qaato kursigii ay beesha Galmaax saami ahaanta uga heshay Baarlamaanka 2016-2020-ka.

Taariiqahaan Xildhibaanada loo codeeyay ayaa waxay ku dhalatey ku barbaartey isla markaana wax ku baratey Magaalada Muqdisho, waa darmaan dumar oo ka soo jeedaa qoys caan ah oo si macruuf ah looga yaqaano dacalada kala duwan ee caalamka, sifo ahaan waa gabadh deeqsi ah, gacan furan oo si mug leh loogu yaqaano samafalka iyo u gar-gaarida bulshada Soomaaliyeed.

Muran kama taagna inuu WAA CUSUB u baryay beesha Galmaax Yoonis oo gabadh gob ah u doortey Xildhibaan Qaran, dheel dheel, fadhi iyo jiif midna mel uma yaalo, hawl culus ayaa sugayso, isbadal, wax qabad iyo horumarin aya laga dhawrayaa, aqoon, waaya aragnimo iyo karti ay ku gudato wajibaadkeeda wey leedahay laakiin waxaa lagama maarmaan ah in gacan lagu siiyo gudashada xilka ay dusha u ridatey.

Amaan, bogaadin iyo tahniyad waxaa mudan walaalihii har iyo habeen u taagnaa sidii looga mira dhalin lahaa yoolkii la hiigsanayay, inkastoo la gaarey guushii la baadi goobayay ayaa haddana hawl kama daalooyin walli faanoole fari kama qodna, waxaana loo baahan yahay in halganka halkiisa laga sii amba qaado si loo hanto guul ka weyn tan hadda la hantay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip