Jacob Zuma Oo U Hambalyeeyay Madaxweyne Farmaajo

0
Saturday February 11, 2017 - 13:08:13 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jacob Zuma Oo U Hambalyeeyay Madaxweyne Farmaajo

    Madaxweynaha dalka Koofur Afrika Jacob Zuma ayaa u Hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaana uu ballan qaaday in dowladdiisu ay si dhow ula shaqeyn doonto Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Koofur Afrika Jacob Zuma ayaa u Hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaana uu ballan qaaday in dowladdiisu ay si dhow ula shaqeyn doonto Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Koofur Afrika ayaa lagu sheegay in dowladda Koofur Afrika ay u hambalyeyneyso Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka oo Wasaaradda arrimaha dibadda uu u wakiishay Madaxweyne Zuma ayaa lagu sheegay sidoo kale in Koofur Afrika la dhacsant ahay habka caddaaladda ku saleysan ee ay u dhacday doorashadii Arbacadii ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Zuma waxaa uu sheegay in uu si dhow ula shaqeynayo Madaxweynaha Soomaaliya si loo hormariyo xiriirka saaxiibtnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo koofur Afrika.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip