Doorashooyinka Dalka Ka Dhacay Oo Saameyn Weyn Ku Reebay Lacagta Shiling Soomaaliga

0
Sunday February 12, 2017 - 13:31:28 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashooyinka Dalka Ka Dhacay Oo Saameyn Weyn Ku Reebay Lacagta Shiling Soomaaliga

    Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka warbixiyay waxyaabaha keenay isbadalka ku yimid Lacagta Shilling Soomaaliga oo dhawaan gaartay meeshii ugu hooseesay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka warbixiyay waxyaabaha keenay isbadalka ku yimid Lacagta Shilling Soomaaliga oo dhawaan gaartay meeshii ugu hooseesay.

Bashiir Ciise Cali Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in Dollar-ka oo Soomaaliya kaga yimaada dhanka dibada in uu saameyn xoog badan ku yeeshay lacagaha shilling-ka Soomaaliga ah islamarkaana uu arrimahaan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wax qaban doono.

Sidoo kale Bashiir Ciise Cali oo ah Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashooyinkii Soomaaliya ka dhacday iyo ololihii ay sameeyeen Musharixiintii u taagnaa Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay saameyn ku yeelatay Lacagta islamarkaana uu hoos u dhacay Shiilling Soomaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in haatan Banki Dhexe ee Soomaaliya uu wado qorshe meel wanaagsna maraya oo lagu soo daabaco lacago shilling Soomali ah si loogu baxo lacag yarida ka jirta dalka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip