Dowlada Norway oo wili kudhagan Mahad Abiib, "faahfaahin"

0
Friday February 24, 2017 - 21:47:42 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Norway oo wili kudhagan Mahad Abiib, "faahfaahin"

    Waxaa maanta soo afmeerantay kiiska dacwada u dhaxeysay Mahad Abiib iyo dowlada Norway, gaar ahaan hey´ada UNE. Ellen Idun Lersbryggen oo kamid ahaa qareenada dowlada ayaa sheegtay in sheekada nolosha Mahad Abiib aysan aheyn mid micno sameyneys

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta soo afmeerantay kiiska dacwada u dhaxeysay Mahad Abiib iyo dowlada Norway, gaar ahaan hey´ada UNE. Ellen Idun Lersbryggen oo kamid ahaa qareenada dowlada ayaa sheegtay in sheekada nolosha Mahad Abiib aysan aheyn mid micno sameyneyso oo isku taxan. Iyada oo sheegtay iney tahay mid mararka qaarkood iska hor imaaneyso ama kala go´eyso.

Qareenadan ayaa maanta kiiskeeda kusoo xirtay in sheekada Mahad uu sheegay aysan aheyn sheeko uu qof soo dareemay, balse ay u egtahay sheeko lasoo mala-awaalay si sharci magangalyo loogu helo. Waxeyna ku adkeysatay in Abiib uu kasoo jeedo Jabuuti, iyada oo soo xigatay wareysi aabihii lala yeeshay 2002.

Waxeyna tusaale usoo qaadatay sawirka kaar aqoonsi ah oo laga bixiyay magaalada Muqdisho sanadkii 1990, balse taariikhda dhalashada ku qoran ay tahay midii ay dowlada Norway Mahad siisay sanadkii 2000. Waxeyna sheegtay in taas ay cadeyn u tahay in documintiyadaas ay yihiin kuwo been-abuur ah. Sidoo kale waxey sheegtay in dhowr jawaabood oo kala duwan uu Mahad ka bixiyay wareysiyo lagala yeeshay qofkii uu kula socday safarkiisa uu Norway ku yimid, sidoo kalena uusan xasuusan inta qof ee la dhalatay.

Qareenka u doodayay Mahad Abiib ayaa dhankiisa nasiib daro ku tilmaamay in dowladu ay adeegsato cadeymo aan cago-badan ku taagneyn, si ay Mahad ugala noqoto sharciga jinsiyada 16-sano kadib oo uu dalkan ku noolaa. Isaga oo raaciyay in dowladu aysan soo bandhigin wax cadeyn buuxdo ah oo keeni kara in Abiib laga ceshado sharciga jinsayidiisa.

Go´aanka xukunka dacwada ayey maxkamadu gaari doontaa mudo 2 isbuuc gudahood ah. Sida ay warbaahintu saadaalineyso kiiskan waa 50/50, labada dhinacba waxey keeneen cadeymo iyo kiisas adag.

Mahad ayaa sheegay inuu isku kalsoonyahay, uuna rajo fiican ka qabo inuu ku guuleysto kiiskan. Sidoo kalena uu ku faraxsanyahay inuu banaanka keenay wixii uu ku taamayay mudo.
Xigasho: Norsom
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip