Madixii iyo Shaqaalihii waaxda Canshuuraha Dekadda Muqdisho oo Maxkamad lasoo taagay + Sawirro

0
Saturday September 29, 2018 - 22:46:43 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madixii iyo Shaqaalihii waaxda Canshuuraha Dekadda Muqdisho oo Maxkamad lasoo taagay + Sawirro

    Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa manta oo Taariikhdu Tahay 29/09/2018 u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay 9 Eedeysane oo ka shaqeynaayay waaxda Canshuuraha Dekada Magalaada muqdisho, waxaana lagu soo Eedeyay inay lunsadeen hanti Dowladeed Gaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa manta oo Taariikhdu Tahay 29/09/2018 u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay 9 Eedeysane oo ka shaqeynaayay waaxda Canshuuraha Dekada Magalaada muqdisho, waxaana lagu soo Eedeyay inay lunsadeen hanti Dowladeed Gaar ahaan waaxda Canshuraha Dekada Magaalada Muqdisho.

Ugu horayn Waxaa Maxkamadda furay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim wuxuuna aqriyay Eedda loo haysto 9 Eedaysane waxaa Dacwada ka soo qeyb galay ku xigeenada Xeer Ilaaliayaha Guud Ee Qaranka oo ku oogaayay Dacwada loo haysto.sidoo kale waxaa goob joog ahaa qareenada difaacaya Eedaysanayaasha.waxaa dooda qaatay Qareennada difaacayay Eedeysanayaasha kuwaas oo soo bandhigay dooda sharci.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in ay Maxkamaddu xirantahay kana soo saari doonto Qaraar sidoo kale waxaa dib laga soo sheegi doono dhagaysiga dacwada inta ka harsan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip