XOG CUSUB:-Saraakiil maanta lagu xiray Magaalada Baladweyne & xubno kale

0
Wednesday October 03, 2018 - 17:12:57 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG CUSUB:-Saraakiil maanta lagu xiray Magaalada Baladweyne & xubno kale

    Waxaa maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Xabsi ku yaalla lagu xiray Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Xabsi ku yaalla lagu xiray Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisa.

Sida la sheegay amarka lagu xiray Taliyihii Ciidanka Nabadsugida gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa bixiyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed).

Dabageed Saraakiisha uu amray in la xiro ayaa lagu kala magacaabaa Cabdi Maxamed Cali (Aweys) oo mar soo noqday taliyaha Nabadsugida gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisii Cabduqaadir Muxumed abuubakar(Dhagaweyne).

Sidoo kale waxaa maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan lagu xiray xubno ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda hir-Shabeelle oo Mid kamid ah ay haweyney tahay.

Dhinaca kale Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare 1-dii Bishii la soo dhaafay ee Setemper ayaa waxaa xilalkii looga qaaday Saraakiishan maanta lagu xiray Baladweyne,halka taliyaha Nabadsugida Gobolka Hiiraan loo Magacaabay Colaad cabdullaahi Cismaan.






Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip