Madaxweyne Farmaajo oo maanta dhagax dhigay Tiyaatarka Qaranka + Sawirro

0
Saturday October 13, 2018 - 12:29:24 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo maanta dhagax dhigay Tiyaatarka Qaranka + Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay xarunta Golaha Murtida iyo Maddadaalada Qaranka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay xarunta Golaha Murtida iyo Maddadaalada Qaranka.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu saaka dhagax dhigay xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaasi oo la qorsheynayo in muddo ka yar sanad lagu soo gabo gabeeyo dhismahiisa.

"Madaxweynuhu waxa uu balan qaaday in muddo sanad ka yar lagu soo gabo gabeyn doono dhismaha Tiyaatartaka Qaranka, waxaan rajeynaynaa in fanaaniinta ay halkaasi ku soo gudbiyaan hal abuurkooda” ayuu yiri Agaaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka.

Agaasimaha ayaa xusay in Tiyaatarka lagu dhisi doono barnaamijka uu hirgeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee isxilqaan, kaasi oo ay ka qeyb qaadan doonaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lagu dhisi doono xarumaha danta guud.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip