Qaraxyo Xoogan oo Caawa ka dhacay Magaalada Baydhabo

0
Saturday October 13, 2018 - 19:39:32 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Xoogan oo Caawa ka dhacay Magaalada Baydhabo

    Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Caawa ka dhacay labo Qarax oo xoogan,kuwaasi oo sababay Khasaaro kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Caawa ka dhacay labo Qarax oo xoogan,kuwaasi oo sababay Khasaaro kala duwan.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegay in uu ahaa Mid Bambo gacmeed ah,isla markaana lagu weeraray mid kamid ah Hotelada ku yaalla Baydhabo,halka midka kalena Nin isku soo xiray jaakad qarax ku xiran yahay uu ku weeraray Maqaaxida Beder ee ku taalla Magaalada Baydhabo.

Dad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa inoo sheegay in Qaraxyan laga maqlay inta badan gudaha Magaalada,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad u badan Shacab.

Ilaa hadda khasaaraha dhabta ah lama xaqiijin karo, goobta ay qaraxyada ka dhaceen waxaa si deg deg ah ku gaaray gaadiidka gurmadka ee ambalaasta, si ay halkaasi uga soo qaadaan dadka ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip