Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo Maanta Dooranaya Madaxweyne Cusub

0
Saturday October 20, 2018 - 12:25:42 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo Maanta Dooranaya Madaxweyne Cusub

    Magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa la filayaa in Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug Garanka ku sugan Cadaado ay doortaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa la filayaa in Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug Garanka ku sugan Cadaado ay doortaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Xildhibaanada ku sugan Cadaado ayaa waxa ay horey u sheegeen in xilkii ay ka qaadeen Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah Madaxweynaha Galmudug,iyagoona kal hore Mooshinno xilka ay isaga kala qaadeen Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku Xigeenkiisa.

Doorashadan maanta ka dhaceysa Cadaado ayaa waxaa ku tartami doono labo Musharax,waxaana mid kamid ah Musharixiinta Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maamulkii Galmudug ee Gaalkacyo deegenaa,kahor inta aan la mideyn Galmudug iyo Ahlusunna.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug Garabka Cadaado ayaa ugu horeyn dhageysan doono Khudbadaha Labada Musharax,waxaana xigi doonto Doorashada.

Waxaa weli taagan khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee maamulka Galmudug,iyagoona kala degan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.




Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip