Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Shir Guddoomiyay Kulan Xasaasi ah + Sawirro

0
Monday October 29, 2018 - 11:19:34 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Shir Guddoomiyay Kulan Xasaasi ah + Sawirro

    Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka Hormarinta dhaqaalaha Dalka, kaas oo looga hadlay horumarka Maaliyadeed iyo hiigsiga hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka Hormarinta dhaqaalaha Dalka, kaas oo looga hadlay horumarka Maaliyadeed iyo hiigsiga hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhacay Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa si gaar ah waxaa diiradda loogu saaray horumarada Maaliyadeed ee Dalka, iyadoona ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Wasiirada ku lugtaleh arimaha dhaqaalaha xukumadda Soomaaliya sida Wasiirka Maaliyadda ,Qorsheynra , Beeraha iyo Xubno kale oo kamid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane Abdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa hordhigay R/Wasaaraha iyo Wasiiradii ka qeybgalay shirka warbixin ku sabsan horumarka Maaliyadeed iyo hiigsiga hanaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya, isla markaana ay dhawdahay rajada laga qabo in Soomaaliya laga cafiyo deymaha.

Mr Beyle ayaa sidoo kale faahfaahin ka siiyay shirka qorshayaasha Wasaaradda Maaliyadda ee kobaca Dakhliga iyo diyaarinta Miisaaniyadda Cusub ee 2019 ilaa iyo 2020.

Shirka dhaqaalaha Xukumadda ee todobaadlaha ah waxaa sii dheer shirar joogto ah oo ka dhaca gudaha Wasaaaradda Maaliyadda Soomaliya kuwaasoo lagu hormarinayo Dhaqaalaha iyo in la gaaro Hadafka Soomaaliya ee ah in isku filnaasho Dhaqaale.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip