Madaxweyne Farmaajo oo soo gabagabeeyey booqashadii uu ku joogay Itoobiya

0
Saturday November 10, 2018 - 18:29:21 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo soo gabagabeeyey booqashadii uu ku joogay Itoobiya

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaayas Afwarqii ayaa soo gabagabeeyey booqashada ay ku joogeen dalka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaayas Afwarqii ayaa soo gabagabeeyey booqashada ay ku joogeen dalka Itoobiya.

Madaxda oo booqashadooda maalinta shalay uga billaabatay magaalada Gonder waxay shir seddex geesood ah oo ku saabsan danaha seddexda dal kala yeesheen Ra'isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Wadahadallada ay yeesheenna waxaa ka mid ahaa heshiisyada seddex geesoodka ee ay seddexda dal horay u gaareen sida loo meel mariyey.

Waxayna isla meel dhigeen heshiisyada ku saabsanaa iskaashiga dhaqaale iyo meel marinta qorshayaasha nabad ilaalinta sidi ay isaga kaashan lahaayeen inuu meel fiican maraya.

Waxayna madaxdu soo dhaweeyeen cunaqabateynka uu golaha ammaanka ee qaramada midoobay horay uu u saaray Eritrea uu goluhu doonayo inuu ka qaado.

Eritrea oo cunaqabateynka laga qaadana ay sii xoojineyso iskaashiga, nabadda iyo horumarinta gobolka.

Madaxweynaha Eretrea Isayas Afwarqii wuxuu sida oo kale soo gabgabeeyey booqashadi rasmiga ahayd uu ku joogay Itoobiya.

Waxayna madaxdu isku waafqeen in shirkooda seddex geesoodka ee kan xiga ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho

Madaxda marka ay ka duulayeen magalada Baahir Dar waxaa si weyn u sagootiyey Ra'isal wasaare Dr Abiy Axmed iyo mas'uuliyiin sarsare oo Itoobiya ka tirsan.



Xigasho BBC
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip