(Aragti) Yaa Diidan Maqaamka Muqdisho

0
Friday February 28, 2020 - 22:21:38 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Aragti) Yaa Diidan Maqaamka Muqdisho

    Dadka diidan in Muqdisho ama Banaadir yeelato maqaam ay isku maamusho kuna doorato hogaankeeda waa kuwa raba inaan xisaabtan imaan oo la iska dhuuqo canshuurta 85% ee laga qaado muwaadiniinta Muqdisho amaba waa qaar doonaya in Caasimaddu nabad buuxda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka diidan in Muqdisho ama Banaadir yeelato maqaam ay isku maamusho kuna doorato hogaankeeda waa kuwa raba inaan xisaabtan imaan oo la iska dhuuqo canshuurta 85% ee laga qaado muwaadiniinta Muqdisho amaba waa qaar doonaya in Caasimaddu nabad buuxda helin iskana af duubnaato.
 

Xataa hadey sidaan iska ahaato Muqdisho oo lagu maamulo wareegto kasoo baxda Villa Somaliya kuwa meelaha ka qeylinaya looma dhiibo xil gobol, lagama qaado canshuur gobol, taliye ciidan kama noqdaan, xataa hadey dagan yihiin guri ama hotel ma jirto cid tiraahda yaa tihiin iyo maxaa qabatiin oo dadkooda ayey ka mid yihiin hadana markey maqlaan Maqaamka Muqdisho wey xanaaqaan oo wey qeyliyaan ilaa ay qaarkood gaaraan ama ku hanjabaan Somali wey kala tageysaa cajaa'ib badanaa.

In dalka Somaliya la wada yeesho min baadiyo, tuulo, degmo ilaa magaalo waa gar ama in wax la kala yeesho oo magaca guud la isugu yimaado maxaa ka dhexeeya hadaan caadifad iyo xaasidnimo jirin.

3 Milyan & bar qofood marnaba uma afduubnaan doonaan dad yar oo inta ay xilka hayaan ka macaasha dhiiga iyo dhacaanka caasimadda kadibna iska taga, ha ahaadeen kuwii hore kuwa hadda jooga iyo kuwa soo socda intaba waqtigi turifada wuu dhamaaday iyo in marba qof ama reer laga soo dhex hadlo.

Nin laga soo magacaabo Madaxtooyada waa ha ii aruuriyo lacagta haduu diidana jaaaw
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip