Taliyuhu waxa uu intaasi ku daray in dhaawac iyo dhimasho lixaadleh ay gaartay waxa uu ku tilmaamay shareeca diidka isagoo aan faafahin dheeri ah bixinin .
Mar aan wax ka weydiinay in ay ciidamada ahlu-sunna gudaha u galayaan ceelbuur waxa uu sheegey in ay taasi tahay xeeled milatari oo haba yaraatee aan waxba laga sheegi karin . isagoo intaasi ku daray in ay sidoo akle ka qabsadeen saanad hub ah , isagoo tibaaxay in ay ahlu-sunna dib u qabsatay gaari beebey ah oo manta gacan ugalay shabaab .
Isgaarsiinta oo aad u xun daraadeed , ayeysan noo suura galin in aan helno warar dheeraad ah , iyo taliyaha oo diiday su'aale kale . balse si isdaba joog ah ayaan idinku soo gudbinaynaa wixii soo kordha insha alah
W/Q: Wariye Axmed Khadar
Email : axmedmbc@hotmail.com ama axmedmbc@yahoo.com
War dag dag ah , ahlu-sunna oo dib u qabsatay deegaanka wabxo
Sida uu inoo xaqiijiyay goor dhaweed taliyaha ciidanka ahlu-sunna wal-jamaacah shiikh aadan dheere ayaa waxa uu sheegey in dagaal xoogan oo daqiiqado kooban soconayey kadib ay ciidamada ahlu-sunna wal-jamaacah dib u qabsadeen deegaanka wabxo waxayn