(Nasashada Jimcaha) Siyaaradi Xaaji Maxamud (Sirmaqabe) Ee Warsheekh (Sawiro).

0
Friday August 08, 2008 - 20:50:11 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Nasashada Jimcaha) Siyaaradi Xaaji Maxamud (Sirmaqabe) Ee Warsheekh (Sawiro).

    Waa markale iyo Nasashada Jimcaha oo had iyo goor aad naga sugtaan Qormadeeni aan ugu Magac darnay Nasashada jimcaha oo ugu talagalnay in ay noqoto Nasiinada Aqristayaasha inagoo kusoo qaadan doono hadba qormadaan is leenahay aqristyaasha taariikh iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa markale iyo Nasashada Jimcaha oo had iyo goor aad naga sugtaan Qormadeeni aan ugu Magac darnay Nasashada jimcaha oo ugu talagalnay in ay noqoto Nasiinada Aqristayaasha inagoo kusoo qaadan doono hadba qormadaan is leenahay aqristyaasha taariikh iyo xusuus ayeey ku beeri doontaa.


 


Masjidka Xaaji Maxamud Sirmaqabe oo ku yaalo Bada Heelkeeda

Qabriga Xaaji maxamud ee Degmada Warsheekh

Hadaba Degmada Qadiimiga ee Caanka ku af Fidinta Diinta Islaamka oo ay ku duugan yihiin in badan oo ka mid ah Ahlu Cilmiga Diinteena Sharafta badan ee Islaamka lagu Qadariyo ee Warsheekh.

Degmada Warsheekh ayaa waxa lagu soo gabagabeeyay Siyaaradi Caalimki Weynaa ee Xaaji Maxamud Xasan oo Bulshada Soomaaliyeed iyo Shacabka reer Warsheekh uyiqiineen Xaaji Maxa’ud (Sirmaqabe).



Culimadii oo ufadhiyo Qur'aan aqriska Siyaarada

Xaaji Maxamud waxa uu ka mid ahaa Owliyada Ilaahey Gaar ahaan Culimadii usoo halgantay Diinteena oo Habeen iyo Maalin ku howlanaa Qidmada Diinteena Islaamka.

Teeda kale Xaaji Maxamud Sirmaqabe waxa uu ka mid ahaa Culimadii Aas Aaska udhigtay Degaanka Qiimaha Badan ee ku Fadhido Degmada Warsheekh .


Muuqaalka Culuma'udiinki kasoo qeybgalay Siyaarada

Sheekh muqtaar Xaaji madoobe oo taagan Irida Masjidka

Macalin Cumar Axmed Afrax

Qaar ka mid ah Culuma'udiinka Reer Warsheekh oo Dikri Wada

Hadaba Siyaarada Sheekha ayaa waxa kazoo qeybgalay culuma’udiin fara badan kuwaasi oo isaga kala yimid dunida Dacaladeeda .

Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman ow Cumar ayaa si gaar ah ugu duceeyay Kasoo qeyb galayaashi Siyaaradi isagoo sidoo kalena kula dar daarmay Culimadii kazoo qeybgashay Siyaaradi in Alle Bariga la badiyo si ilaah nooga dul qaado Masiibada Camimtay Dalkeena Soomaaliya.


Muuqaal fog oo laga qabtay masjidka Xaaji Maxamud


sidoo kale waxa lagu soo bandhgiay Banaanbaxa Sheekheena Xaaji Maxamud Xelqooyin Dikri iyo Muxaadarooyin looga Hadlaayay Sooyaalka Sheekha iyo sidii uu ugu Soo halgamay Fidinta Diinta Islaamka taas oo qushuuc iyo Dareen Farxad leh ku abuurtay dhamaan Umadii kazoo qeyb gashay

Bahda Shabakada Warsheekh eee Degmada Warsheekh


 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip