Golaha waxa uu fadhi gaar ah ka yeeshay qulqulatooyinkii ugu dambeeyey ee Somalia ayaa codkooda ku biiriyay cambaareynta loo jeedinayo weerarkii gilgilay Hotel ku yaalla Magaalada Baladweyn ee xarunta Gobalka Hiiraan kaasi oo lagu khaarajiyey Wasiirkii Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan, safiirkii Ethiopia u qaabilsanaa Somalia C/kariin Faarax Laqayo, Janaraallo Dowladda ku jiray iyo sidoo kale cuqaal Gobalka u dhashay.
Isagoo kulanka ka aqrinayey bayaan ay si wada jir ah usoo saareen 15-ka xubnood ee Golaha ammaanka, ayaa Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya golaha amaaanka Baki Ilkin ahaana shir gudoominayaha kullankaasi waxa uu sheegay inay si kulul u cambaareynayaan isfidinta ay sameynayaan xoogaga mucaaradka ee Dowladda kasoo horjeeda.
“Waxaan mar kale leenahay Golaha ammaanka waxa uu diyaar u yahay dhexdhexaadinta dhinacyada Soomaalida” sidaana waxaa lagu yiri bayaanka Golaha Amaanka oo sheegay in tallaabadaasi ay khatar ku tahay Dowladda sharciga ah ee Madaxweyne Shariif, ayna haboon tahay in si deg deg ah looga hortago.
Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo Dowladda KMG Somalia, ayaa horey u cambaareeyey dilka saraakiisha Dowladda, iyagoo falkaasi lagu dilayna ku tilmaamay fal-argagiso oo ay ka dambayso Al-Qaacidda.
Golaha Amaanka ayaa si daran u Cambaareynta Dilkii Col. Cumar Xaashi Aadan .