Dhamaan Culuma’udiinka Soomaaliyeed ee Ahlu Suna Waljamaac ayaa waxa looga Tacsiyeenaa geeridi Naxtinta leheed ee kutimid Na’imka Dariiqada Qaadariyah Soomaaliya Sheekh Maxamed Xasan.
Allaah Unaxariistee Na’ibul Caamka Dariiqada Qaadariyah ayaa waxa lagu Wadaa Maanta in lagu Aaso Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelada hoose halkaas oo ay ku yaalaan Mowlacyada ugu waa weyn ee Sheekha ku lahaa Dalka Soomaaliya isla markaana ay ku duugan yihiin Ehelkiisa Sida Naa’ibka Isaga ka horeeyay ee Sheekh Abuukar.
Dhanka Kale waxa Iminka Inasoo Gaartay Dhambaal Tacsi ah oo ay dirayaan Reer Sheekh C/raxman Sheekh Cumar oo horkacayo Sheekheena Sheekh Qaasim SHeekh Cabdi iyo dhamaan Reer Sheekh Cabdiraxman Ow Cumar iyadoo Umada SOomaalyeed iyo Gaar ahaa Reer Sheekh Aweys Dheere uga Tacsiyyay geeridi ku timid Sheekheena Sheekh Maxamed Xasan oo Maanta Muqdisho ku geeriyooday
Maamulka iyo Shaqaaladaha Webka Warsheekh ayaa sidoo kale tacsi tan lamid ah ayeey waxa ay udirayaan Dhamaan Culuma’udiinka Soomaaliyeed gaar ahaan ehelka iyo qaraabada oo ka geeriyooday Sheekha iyagoo Alle uga baryay in uu ka waraabiyo Janadiisa Fardowsa .
Inaa Lilaah Wa Inaa Ileehi Raajicuun
Tacsi, waxa geeriyooday, Na’ibul Caamka Dariiqada Qaadariyah Sheekh Max’ed Xasan
Allaah Unaxariistee Waxa manta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Na’ibul Caamka Dariiqada Qaadariyah Sheekh Maxamed Xasan .