Marka aan soo qaadano gobalka baari ee koofurta talyaaniga ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad si heersare loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen jaliyada somaliyeed ee degan baari iyado ay munaasabada kasoo qayb galeen somali aad u fara badan islamarkaana halkaasi laga soo jeediyay qudbado ku aadan xuriyada ay soo jeedinayeen kasoo qaybgalayaasha qaar kamid ah oo siweyn ugaranaya taariikhda somaliya.
sidoo kalle waxaa xalaflada laga qaday heeso aad u qiira badan oo ka turjumaya gumeestaha iyo waxa uu yahay iyadoo ay halkaas ay ka dhigeen majaajilo ka turjumaya xuriyada iyo xalada hada somaliya kujirto sidoo kalle waxaa ka kahadlay ismarkaana kasheekay dhibka loo soo maray xuriyada maxmed xuseen oo kamid ahan jiray ciidankii xooga somaliyeed asigoo sheegay in dhib loo somara xuriyada manaasabadan inkastuu intaasi kuderay in ay tahay wax aad looga xumaado in aan dib isku celino ayuu yiri madame anagoo dhibkaas usoo marnay xuriyada ay somaliya dhibaato kataagantahay
Inta ay socotay xaflada ayaa waxaa halkaasi laga qaaday heesta calanka somaliyeed iyadoo ay mar qura wada istaageen dadkii kasoo qaybgalay munaasabada intaa kadibna waxaa qudbad dheer kajeediyay munaasabada gudoomiyaha jaaliyada somaliyeed ee gobalkaan baari koonfurta talyaaniga asigoo kasheekeyay taariikhda somaliya iyo heerka uu soo maray wadanaka somaliya ugudanbaytiina waxaa uu uduceeyay shacbiga somaliyeed ee hada dhibaatadu kuheysato somaliya
Mahamud Abdullahi Egalle(maxamudkoronto)
Masuulsare114@hotmail.com
Xafiiska wararka warsheekh.com-talyaaniga
Sidee Looga Xusay Talyaaniga munaasabada 1luulyo,Maalinta Xurnimada Somaliya (sawiro)
Inta badan gobalada ay ubadanyihiin somalidu ee wadankaan talyaaniga ayaa waxaa siweyn looga xusay munaasabada 1luulyo aah maalin kuweyn shacbiga somaliyeed iyadoo ay dhigeen Jaaliyadaha somaliyeed munaasabada kala gaar gaar ah oo lagu xusayo maalint