Qoysaska ku dhibaateysan xeryaha Qaxootiga ee Magaaladatan Baydhabo oo hay`adda Bisha Cas u bilowday Quudin.

0
Saturday August 01, 2009 - 12:39:43 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoysaska ku dhibaateysan xeryaha Qaxootiga ee Magaaladatan Baydhabo oo hay`adda Bisha Cas u bilowday Quudin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay`adda Bisha cas ee Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo u quudin u bilowday dadka dhibaateysan ee gudaha magaalada ku sugan.

Madaxda Laanta Bisha Cas ee Baydhabo ayaa markii ugu horeysay u istaagay ka tir tiridda Baahida ay qabaan dadka danyarta ah ee ku tabaaleysan magaalada Baydhabo, iyagoo taasi ay ku micneeyeen Talaabo ay horay u qaadeen ka dib markii ay meesha isaga bexeen, kaalintii Hay’adaha Samafalka ee ku aadaneyd u samafalka dadka rayidka ah ee ku tabaaleysan xeryaha qaxootiga Baydhabo.

Hay`adda Bisha Cas ayaa waxa ay gar gaar bini`aadanimo ah la taageen ilaa 400 oo Qoys oo u badan Haween iyo caruur isugu jira cuno iyo baco ay ka galaan roobabka oo xiliyadii ugu dambeeyay si aad ah uga da’ayay gudaha Magaalada Baydhabo iyo waliba toolooyinka iyo deegaanada ku hareersan.

Sidoo kale, Madaxda laanta Bisha Cas ee ku sugan Magaalada Baydhabo oo qaarkood la hadlayay wariyaasha Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegeen in gar gaaradan ay gaarsiinayaan dadkan tabaaleysan ay gacan kaga helayaan Hay’ada Cunada Aduunka ee WFP.

Ugu dambeyntii, aritani ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa waqti muddooyinkii la soo dhaafay aysan Magaalada Baydhabo ka jirin dhaq dhaqaaq ku aadan u gargaarida dadkan Tabaaleysan, tan iyo markii hay`adaha safamalka Bay iyo Bakool ee ka shaqeeya ay shaqa joojin sameeyeen.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip