Qabsashadi B/burte oo la isku Heesto iyo Degmada B/weyne Oo Gorgortan Gashay

0
Friday August 21, 2009 - 01:47:18 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabsashadi B/burte oo la isku Heesto iyo Degmada B/weyne Oo Gorgortan Gashay

    Xaaladda magaalada Baladweyne oo la soo sheegayo inay tahay mid aad u kacsan, iyadoo haatan uu ka soconaayo gudaheeda dagaal aad u qaraar, kadib markii halkaasi dib ugu soo rogaal celiyeen Xoogagga Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda magaalada Baladweyne oo la soo sheegayo inay tahay mid aad u kacsan, iyadoo haatan uu ka soconaayo gudaheeda dagaal aad u qaraar, kadib markii halkaasi dib ugu soo rogaal celiyeen Xoogagga Al-Shabaab.

 Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu haatan ka socdo magaalada gudaheeda, waxaana la sheegayaa in ciidamada Al-shabaab ay la wareegeen Xaafadda Howlwadaag ee degmadaasi kadib markii ay halkaasi dagaalo goos goos ah kula galeen ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
 
Wararku waxa ay sheegayaa in iminka uu halkaasi uu weli dagaal qaraar uu ka soconaayo, iyadoo al-shabaab ay weli gacanta ku hayaan xaafadda Howlwadaag ee magaalada B/weyne, waxaana la sheegayaa in Ciidamada dowladda ay iyana weli dagaal ku wadaan kooxaha ka soo horjeeda.

 Dhinaca kale ma jirto wax ilaa iyo hada ka hadlay dagaaladaasi, inkastoo dadka magaalada Baladweyne qaarkood ay ka barakaceen xaafadahooda, iyadoo la sheegayo in dagaalka uu hada socdo weli.

Sidoo kale waxa wili shaki weyn ka jiraa sheegashada dowlada ay sheegatay gacan kuheynta Degmada B/burte iyadoo wararka qaarna sheegayaan in halkaasi dagaalo ka socdaan wili

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip