Hadanan bal dhugasho iyo dheehasho wacan:-
Suugaan gobaadiyo hadaan gabay ku faaloodo
Garta iyo xaqiyo samahaan garab ku siiyaaye
Gefkaaman gelin xeer murtidu gaar u leedahay
Godob uma gabyee abid runtaan ugu garaabaaye
Waxa galabta gabayga igu diray inaan la geeraaro
Gurmad shacab inaan gaystobaa illa gudbnaatay
Dhibka gaadhay shacabkaan rabaa inaan gorfeeyaaye
Gobonimo dadkaygaan rabaa inay gudoontaane
Gulufka iyo colaadaan rabaa gabagabayntood
Kuwa gaystay xumahaan rabaa inay garawstaane
Guluf iyo colaada ka dhacay gebiga soomaali
Geelliyo guduuday lo,dii gaabanoow adhiga
Gurgurshaaga awrkiyo fardaha idilba gaadiidka
Galay iyo hadhuudh iyo waxii gala dhulbeereedka
Guunyadii dadkii laga dhacyoo gorof ma haystaane
Gebi waa ka guur aqaladii gurada waynaaye
Gafuur duub ayaa looga tegay geeska badidiise
Iyagaa gumaadkiyo ka dhigay meel galgalineede
Iyagaa gun siiyay oo gabdhihii guunyo dhaafsaday
Iyaga garaadadii ku dilay goob xumaan badane
Iyagaa ninkii geesiyaba qoorta goyn raba e
Iyagaa kornayladii ka dhigay gawrac joogta ah
Iyagaa guurtidii caydhsaday qaarna goodiyay
Iyagaanan gaban dhaafin iyo gabadh iyo waayeele
Iyagaa galgalin gebi ka dhigay goboladeeniiye
Iyagaa dad waa hore god galay gaadhay oo qodaye
Iyagaa lafaha gurubsada oo geeyay suuqyada
Iyagoo intaas wada galay oo godobna loo haysto
Culumadii guyaal iyo guyaal diinta garanaysay
Ayay gaalo ugu yeedhaan ruux garaad badan
Galad waxa leh guulaha alle godobna noo gaysan
Markii gaadhay heer laga gubtoo laga galiilyoodo
Ayay goboladii wada kaceen gees ka dirireen
Gaalkacayo waatii la galay ee la gaasiray
Galinsoor caadaadiyo ragbaa gooyay tuugada
Guriceel waxii lagu dhigay weli gunuusaane
Gedo waxaa ka jira gaade iyo guure dirireede
Galabtii gashaba waxaa ka dhaca guluf colaadeed
Hiiraan gariirkii ka baxay uunka wada gaadhye
Wabxo goobo yaablaa ka dhacay gaylan dirireede
Guryo lagu gubtiyo bay noqdeen goob xanuunbadan
Gobtii reer mareeg tay dhigeen waan garwaaqsadaye
Galcad maydka yaalaa ka badan galalka waaxyoode
Gorgorkaa ku daaliyo gariir haadda gabigeed
Waraaba hilibaha wada gurtay ganacweyntiiye
Guunyo habar dugaag bay noqdeen reer gafuurduub
Geesinimo ragbaa gaystay oo gooyay nimankiiye
Nimaan gunimo qaadanbaa galay dagaalkiiye
Gurmadkii ka yimi waaxyo iyo xalaney guudkeeda
Maysaare gabanadii jiraa goobta soo galaye
Galdhabo iyo cawsweyne iyo gaanka duurkoo dhan
Galka masagawaay iyo ragii geeska sare joogay
Gudaheeda ceeldheer shabaab lagu garmaameeye
Sidii goroyadii oo kaley orodka giijeene
Gabashada ragaan baran ayaa guulahaas helay
Godane iyo xertiisii gadhkaa ciida loo daray
Guuleed raguu goodin jiray garab ma haystaan
Galadaa ilaah baa iska leh mahadna gaadhsiiyay
Gobolada hadhaan doonayaa inaan gudoonshaaye
Gubaabo weeye dadaw aan gunimo diidno
Guluf lama huraan weeye ee gaysta gacantiina
Gumaysiga ka daran oo waa kuwaa gooyay shacabkii
Mooryaan gareey weeye iyo duul garaad daran
Intaasaan ku soo goynayaa garashaydii
Godob kama aan gelin ruuxa gubay gobaladaydiiye
Guubaabo waa igu gar iyo inaan gadoodaa!!!!
Faalo :- Godane _waa hogaamiyaha alshabaab
Guuleed _ waa maxamed xirsi guuleed oo mar walba gubaabiya
Gabayona u tiriyaa xisbiyada ama urur diimeedyada isaga oo ka gaabsada
Inuu ka gabyo arimaha deegaankiisa iyo gobolada soomaaliland
Fiiro gaar ah : hal_abuurku waxaa uu xaq u leeyahay inuu ku hadlo dareenka ama afka shacabka dhibaataysan taasna looma aanayn karo ama laguma tilmaami karo inuu meel taageersan yahay haday shalay fartu ku godnayn hogaamiye kooxeed manta waxay ku godan tahay hogaamiye diimeedka iyo xisbiyada ku abtirsada .
Waa Qalinkii iyo Halabuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
abdirihiin1@hotmail.com
GABAY GURMAD SHACAB (By, Cabdiraxiin Hilowle Galayr)
Waxaa gabaygan la yidhaahdaa GURMAD SHACAB. Waxaa gabaygan igu dhaliyay inaan tiriyo dhibaatada aan ka soo raynta lahayn ee 20 jirsatay Ee maalin walba maatada iyo shacabka soomaaliyeed haysata iyada oo aynaan odhan karin taas waxaa sababteeda l